Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa maanta si kumeel gaar ah ula wareegtay xilka guddoomiyaha, kadib markii Sheekh Aadan Madoobe loo doortay Madaxweynaha cusub ee Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Guddiga Joogtada ah ee Golaha Shacabka ayaa maanta xarunta guddoonka iyo guddiyada ee Villa Hargeysa ku yeeshay kulan aan caadi ahayn, kaas oo ajandihiisu ahaa xil wareejinta guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), kaas oo si rasmi ah xilkaugu wareejiyey Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad, Marwo Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar, taas oo si ku meel gaar ah u sii hayn doonta xilka, ilaa laga soo dooranayo guddoomiye cusub, si waafaqsan dastuurka iyo xeer-hoosaadka Golaha Shacabka.
Munaasabadda ayaa waxaa ugu horreyn ka hadlay guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka, Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow oo si weyn ugu mahadceliyey guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka hoggaamintii hufneyd iyo doorkii muuqday ee uu ka qaatay horumarinta shaqada Golaha muddadii uu xilka hayey.
Sidoo kale, wuxuu tilmaamay in Sheekh Aadan Madoobe uu door muhiim ah ka qaatay dardargelinta howlaha sharci-dejinta, kor u qaadista wada-shaqeynta Golaha iyo ilaalinta nidaamka Golaha.
Dhankiisa, guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ayaa uga mahadceliyey xubnaha Guddoonka iyo guud ahaan Xildhibaannada Golaha Shacabka wada shaqeyntii iyo taageeradii ay u muujiyeen muddadii uu xilka guddoomiyenimada hayey, isagoo xusay in guulaha la gaaray ay ahaayeen kuwo ku yimid iskaashi, wadajir iyo dadaal ay si wadajir ah u muujiyeen dhammaan xubnaha Golaha.
Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee Golaha Shacabka ahna Siihayahaya Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Marwo Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar, ayaa dhankeeda uga mahadcelisay guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka shaqadii iyo hoggaamintii wanaagsaneyd ee uu soo qabtay, waxayna ku ammaantay dadaalladii uu ku bixiyey horumarinta Golaha Shacabka iyo kor u qaadista doorka Golaha ee geeddi-socodka dowlad-dhiska dalka.
Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar ayaa sidoo kale xaqiijisay in guddoonka Golaha Shacabku sii wadi doono gudashada waajibaadka dastuuriga ah ee Golaha, isla markaana uu xoogga saari doono dardargelinta howlaha sharci-dejinta, korjoogteynta iyo matalaadda shacabka Soomaaliyeed inta laga soo dooranayo guddoomiye cusub.
Ugu dambeyn, guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa guddoomiye kuxigeenka koowaad ee Golaha oo sii ahaan doonta sii hayaha xilka Guddoomiyaha ku wareejiyey warbixinta guud ee Golaha Shacabka, habraaca maamul ee u gaarka ah Golaha iyo qorshaha istraajiyada, iyadoo shahaado sharaf la guddoonsiiyey Agaasimaha Maamulka iyo Maaliyadda ee Golaha Shacabka Mudane Siciid Maxamed Cadow oo lagu abaalmariyey hufnaantiisa shaqo iyo maareynta maamulka iyo maaliyadda Golaha.


