25.6 C
Mogadishu
Saturday, June 20, 2026

Caro ka taagan Talyaaniga kadib arrin Trump uu sheegay in ay dhex-martay Meloni

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Rome (Caasimada Online) — Ra’iisul Wasaaraha Talyaaniga Giorgia Meloni ayaa si kulul ugu jawaabtay Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, kadib markii uu sheegay in ay “ka tuugtay” inuu sawir kula galo shirkii dalalka G7, hadal ay Meloni ku tilmaantay mid gebi ahaanba la dhoodhoobay.

Meloni, oo muddo hore loo arkayay inay ka mid tahay hoggaamiyeyaasha Yurub ee ugu dhow Trump, ayaa sheegtay inay aad uga yaabtay hadalka madaxweynaha Mareykanka, kaas oo ay ku sheegtay “mid aan waxba ka jirin.”

Waxay sidoo kale Trump ku dhaliishay inuu si ka ixtiraam badan ula dhaqmo madaxda ay reer Galbeedku u arkaan cadowgooda, marka loo eego sida uu ula dhaqmo xulafada soo jireenka ah ee Mareykanka.

Hadalka Trump ayaa dhaliyay caro xooggan oo ka dhex dhalatay dowladda Talyaaniga, iyadoo Wasiirka Arrimaha Dibadda Antonio Tajani uu ku dhawaaqay inuu baajiyay safar uu toddobaadka soo socda ku tagi lahaa Mareykanka.

Xiisaddan cusub ayaa muujineysa hoos u dhac weyn oo ku yimid xiriirka Trump iyo Meloni, maalmo kaddib markii shirkii G7 ee ka dhacay Faransiiska ay muuqdeen calaamado muujinayay in labada hoggaamiye ee midigta u janjeera ay dejinayeen khilaaf hore uga dhex jiray, gaar ahaan xiisadaha ka dhashay dagaalka Iran.

Muuqaal laga duubay shirka ayaa muujiyay Meloni iyo Trump oo si dhow u wada sheekeysanaya, iyagoo dhinac fadhiya kursi yar. Hase yeeshee, Trump ayaa wareysi uu siiyay telefishinka La7 ee Talyaaniga ku sheegay inuu kaliya u sameeyay tixgelin.

“Waxay u badan tahay inay ku faraxsan tahay inaan la hadlay. Qasab iguma aheyn inaan la hadlo,” ayuu Trump yiri, sida uu baahiyay telefishinka La7, oo sheegay in madaxweynaha Mareykanka laftiisu uu wariyaha wax ka weydiiyay ra’iisul wasaaraha Talyaaniga.

Trump ayaa intaas ku daray: “Waxay iga bariday inaan sawir la galo. Aad bay u dooneysay sawir ay ila gasho. Ma aanan qaadeen sawirka, balse waan u naxay.”

Telefishinka La7 ma uusan baahin codka asalka ah ee Trump, balse wuxuu soo bandhigay nooc cod lagu dul turjumay.

Meloni ayaa jawaab adag ka bixisay hadalkaas, iyadoo tiri: “Hadalka Donald Trump waa mid gebi ahaanba la sameeyay. Runtii aad baan ula yaabay. Ma garanayo sababta Madaxweynaha Mareykanka uu sidan ugula dhaqmo xulafadiisa; mana ahan markii ugu horreysay.”

“Waxaan kaliya dhihi karaa waa arrin niyad-jab leh inuusan adkeyn la mid ah u muujin cadowga reer Galbeedka iyo Mareykanka, kuwaas oo madaxdoooda uu ula dhaqmo dulqaad ka badan kan uu u muujiyo xulafada,” ayay tiri Meloni.

Waxay intaas ku dartay: “Hal arrin waa inuu xusuustaa: aniga iyo Talyaaniguba waligeen ma barinno cidna.”

Wasiirka Arrimaha Dibadda Talyaaniga Antonio Tajani ayaa qoraal uu ku daabacay barta X ku sheegay in hadalka Trump uu ahaa mid “culus oo gef ah,” isla markaana uu ku yahay meel ka dhac dhammaan Talyaaniga.

“Erayada culus ee gefka ah ee Madaxweyne Trump ka sheegay Ra’iisul Wasaare Giorgia Meloni waxay dhaawacayaan Talyaaniga oo dhan,” ayuu yiri Tajani, isagoo ku dhawaaqay inuu baajiyay safarkiisii Mareykanka.

Mid ka mid ah saraakiisha ugu dhow Meloni ayaa isna si aan hore looga baran uga hadlay Trump, isagoo ku eedeeyay inuu dhaawacayo xiriirkii taariikhiga ahaa ee Mareykanka iyo Yurub.

Giovanbattista Fazzolari, oo ah ku-xigeenka xafiiska ra’iisul wasaaraha, ayaa sheegay in aan la ogeyn in Trump uu si ula kac ah ama aqoon-darro ah u burburinayo xiriirka soo jireenka ah ee Mareykanka iyo Yurub.

“Hadalladiisa aan habbooneyn waxay gaareen wax aan sahlaneyn, oo ah inuu Mareykanka ka dhigo mid aan laga jeclayn guud ahaan qaaradda Yurub, taas oo dhaawac u geysaneysa Yurub, balse ka sii daran Mareykanka laftiisa,” ayuu yiri Fazzolari.

Meloni ayaa horey loogu arkayay inay si weyn u taageerto Trump, waxayna ahayd hoggaamiyihii kaliya ee Yurub ka socday ee ka qeyb-galay caleemo-saarkiisa sanadkii 2025.

Hase yeeshee, xiriirka labada hoggaamiye ayaa xumaaday sanadkan, kadib markii Meloni ay Trump ku dhaliishay weerar afka ah oo uu ku qaaday Pope Leo, oo cambaareeyay dagaalka Iran. Trump ayaa markaas jawaab adag siiyay Meloni, isagoo ku eedeeyay inay geesinimo la’aan muujisay.

Xiisaddan cusub ayaa hadda sii muujineysa kala fogaanshaha u dhexeeya Trump iyo qaar ka mid ah xulafadii uu hore ugu tiirsanaa Yurub, xilli siyaasaddiisa dibadda ay weli dhalineyso dood xooggan oo ka dhex taagan dalalka reer Galbeedka. 

- Advertisement -

Read more

Local News