25.8 C
Mogadishu
Friday, June 19, 2026

Cabdikaafi Makaraan oo loo magacaabay guddoomiyaha…

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada)– Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabdulqaadir Cali ayaa si rasmi ah ugu magacaabay Cabdikaafi Maxamuud Makaraan xilka Guddoomiyaha Golaha Dhallinyarada Qaranka Soomaaliyeed.

Magacaabistan ayaa qeyb ka ah dadaallada ay Dowladda Federaalka Soomaaliya ku dardargelinayso horumarinta iyo awood-siinta dhallinyarada, iyadoo mudnaan gaar ah la siinayo doorka ay ku leeyihiin horumarka dalka, dowlad-dhiska iyo ka qeybgalka go’aan qaadashada.

Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga ayaa sheegtay in magacaabistan ay ku soo beegmayso xilli dowladda ay xoogga saarayso hirgelinta barnaamijyo lagu kobcinayo xirfadaha dhallinyarada, shaqo-abuurka, wacyigelinta iyo xoojinta ka qeybgalka bulshada, si loo dhiso jiil karti iyo aqoon u leh hoggaaminta mustaqbalka dalka.

Cabdikaafi Maxamuud Makaraan ayaa leh waaya-aragnimo ballaaran oo dhanka hoggaaminta iyo horumarinta dhallinyarada ah. Wuxuu horey u soo noqday Guddoomiyaha Dhallinyarada Gobolka Banaadir, halkaas oo uu door muuqda ka qaatay mideynta iyo abaabulka dhallinyarada, isagoo si gaar ah uga shaqeeyay kobcinta xirfadahooda iyo dhisidda jiil isku kalsoon oo kaalin wax ku ool ah ka qaata horumarka bulshada.

Sidoo kale, Cabdikaafı Maxamuud Makaraan wuxuu xubin ka soo ahaa Guddiga La-talinta Dhallinyarada ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (United Nations Somalia Youth Advisory Board) intii u dhexeysay sannadihii 2019 illaa 2021, taas oo ka tarjumeeysa khibraddiisa iyo doorkiisa ku aaddan matalaadda iyo horumarinta arrimaha dhallinyarada Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha cusub ee Golaha Dhallinyarada Qaranka Soomaaliyeed, Makaraan, ayaa la filayaa inuu door muhiim ah ka qaato isku dubbaridka iyo hormuudnimada howlaha la xiriira horumarinta dhallinyarada Soomaaliyeed, isagoo la shaqeyn doona hay’adaha dowladda iyo daneeyayaasha kale ee ka shaqeeya arrimaha dhallinyarada.

Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga ayaa ugu dambeyn u rajeysay Guddoomiyaha cusub guul iyo in Alle u fududeeyo gudashada mas’uuliyadda culus ee loo igmaday, si uu uga miro-dhaliyo himilooyinka lagu horumarinayo dhallinyarada Soomaaliyeed.

- Advertisement -

Read more

Local News