Tel Aviv (Caasimada Online) – Wasiirka Amniga Qaranka Israa’iil, Itamar Ben Gvir ayaa ku dhawaaqay inay dabka saaryaan Lubnaan kadib markii militariga Israa’iil ay ku dhawaaqeen in afar askari looga dilay weerar ay qaaday kooxda Xisbullah.
Ben Gvir ayaa hadalkan ku sheegay bayaan rasmi ah oo uu soo saaray, isagoo si adag uga falceliyay khasaaraha soo gaaray ciidamada Israa’iil ee ka dagaallamaya xuduudda waqooyi.
“Anigoo ixtiraamaya Mareykanka, Israa’iil waa inay dunida oo dhan u caddeysaa in dhiigga wiilasheenna iyo amniga muwaadiniinteennu ay tahay mabaadi’da gorgortan la gelin karin,” ayuu yiri Ben Gvir.
Wuxuu intaas ku daray: “Dhammaan Lubnaan waa inay gubataa,” taas oo loo fasirtay hanjabaad toos ah oo ku wajahan dalka Lubnaan.
Hadalkan ayaa imaanaya xilli xiisadda u dhexeysa Israa’iil iyo Xisbullah ay si xooggan u sii kordhayso, iyadoo labada dhinac ay isweydaarsanayaan duqeymo joogto ah oo ka socda xuduudda Lubnaan iyo Israa’iil.
Dagaallada Lubnaan ayaa galay marxalad aad u kacsan tan iyo markii uu bilowday isku dhaca ka dhashay dagaalka Gaza, iyadoo Xisbullah ay sheegtay inay taageero u tahay Falastiiniyiinta, halka Israa’iil ay ka jawaabeyso weerarro ay ku tilmaamayso “halis amni.”
Warbixinno militari ayaa tilmaamaya in duqeymaha cirka iyo madaafiicda labada dhinac ay saameyn ku yeesheen tuulooyin ku yaalla koonfurta Lubnaan, halkaas oo ay dad rayid ah ku barakaceen.
Dhanka kale, saaxiibada caalamka ayaa si joogto ah ugu baaqaysa in xiisadda la dejiyo, iyada oo laga digayo in dagaalka Israa’iil iyo Xisbullah uu isu beddeli karo mid gobolka oo dhan saameeya.
Si kastaba, arrimahan ayaa imanaya xilli dowladaha Mareykanka iyo Iiraan ay gaareen heshiis lagu soo afjarayo dagaalka, iyadoo saxiixa heshiiskan ay dibad-joog ka ahayd Israa’iil, oo markii hore dagaalka ku soo jiidday Washington.

