Dhuusamareeb (Caasimada Online) — Khilaafka jiitamaya ee ka taagan doorashooyinka Galmudug ayaa caqabad siyaasadeed ku noqday dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, oo laga filayo inay si hufan u maamusho doorashooyinka ku soo fool leh maamulka ka dhisan gobollada dhexe.
Doorashooyinka Golaha Deegaanka, Baarlamaanka iyo hoggaanka Galmudug ayaa si toos ah u taabanaya masiirka siyaasadeed, horumarka iyo xasilloonida dadka reer Galmudug.
Hannaanka doorashooyinka maamulkan, oo si weyn la isugu hayo, ayaa abuuray kala qaybsanaan siyaasadeed iyo walaac xooggan oo shacabku ka muujinayaan jihada uu maamulku ku socdo.
Inta badan saamileyda siyaasadda Galmudug, oo uu ku jiro Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor), ayaa doonaya in laga fogaado doorasho dhinac gaar ah u xaglineysa, si natiijada ka soo baxda ay u hesho kalsooni guud.
Odayaasha iyo waxgaradka deegaanka ayaa madaxda qaranka ka sugaya in Galmudug laga qabto doorasho loo siman yahay, laguna saleeyo is-afgarad iyo talooyinka ka imanaya bulshada.
Odayaasha, waxgaradka iyo siyaasiyiinta ka hadlaya warbaahinta ayaa ku celcelinaya sida ay lagama maarmaan u tahay in doorashada soo socota ay noqoto mid hufan oo natiijadeeda la wada aqbali karo. Waxay arrintaas u arkaan dhabaha keliya ee lagu xaqiijin karo hirgelinta mashaariicda kaabayaasha dhaqaalaha iyo adeegyada kale ee aasaasiga ah, loogana baaqsan karo dib-u-dhac siyaasadeed iyo soo kabasho waqti dheer qaadata.
Villa Somalia, oo ay ka go’an tahay in meesha laga saaro Madaxweyne Qoorqoor, booskiisana ay u waddo Liibaan Axmed Xasan, ayaan iska indho tiri karin codka hoggaamiyeyaasha dhaqanka iyo siyaasadda ee lagu dalbanayo in aan Galmudug haadaan laga tuurin, maadaama ay dadku weli xusuusan yihiin caqabadihii laga soo maray dhismaheeda.
Xasaasiyadda ay leedahay Galmudug ayaa ah sababta aysan Dowladda Federaalka ugu degdegi karin inay ciidamadeedu xoog kula wareegaan Dhuusamareeb, si la mid ah magaalada Baydhaba oo ay la wareegeen 30-kii March, xilligaas oo xilka laga qaaday Madaxweynihii Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen).
Dabayaaqadii bishii May waxaa jiray abaabul iyo isku day ay Ciidamada Dowladda Federaalka kula wareegi lahaayeen amniga Dhuusamareeb, balse waxaa ka hortimid beesha degan magaaladaas, oo sheegtay inaysan dagaal u dooneyn magaalada, isla markaana ay tahay in si degdeg ah loo qabto doorasho madaxbannaan, loo dhan yahay, heshiis lagu yahay, isla markaana daahfuran.
Loolanka siyaasadeed ee taagan waxaa looga gudbi karaa wada-hadal iyo isu-tanaasul dhex mara Villa Somalia iyo garabka kale ee ka soo horjeeda. Arrintaas waxay dammaanad qaadi kartaa in jihada maamulka lagu saleeyo rabitaanka dadka deegaanka, oo ah in laga baaqsado koror xiisadeed ama qalqal amni, iyadoo laga wada shaqeynayo nabadda, xasilloonida iyo wadajirka Galmudug, kuwaas oo saldhig u ah doorasho xor iyo xalaal ah.
Hufnaanta doorashadu waxay saldhig u tahay xaqiijinta dowladnimo adag, waxayna ka hortagtaa musuq-maasuqa, khilaafaadka siyaasadeed iyo dib-u-dhaca maamul ee horseeda xasillooni darrada.

