24.8 C
Mogadishu
Sunday, June 21, 2026

Puntland oo heegan gelisay ciidankeeda iyo Jen. Jimcaale oo Muqdisho u jooga fulinta…

Bookmark
Bookmarked

Share

Garoowe (Caasimada Online) – Gobollada Puntland waxaa xilligan laga dareemayaa xiisad amni iyo dhaqdhaqaaqyo ciidan oo iska soo horjeeda, kuwaas oo salka ku haya khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya maamulka Puntland iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Maamulka Puntland ayaa si weyn u adkeeyay ammaanka magaalooyinka waaweyn ee Garoowe, Gaalkacyo iyo Boosaaso. Ciidamo dheeraad ah iyo gaadiid dagaal ayaa la dhigay baraha koontaroolka iyo marinnada laga soo galo magaalooyinkaas, si loo xakameeyo dhaqdhaqaaqyada hubka iyo ciidamada kala gudbaya.

Tallaabadan ayaa timid kadib markii Golaha Wasiirrada Puntland uu soo saaray amar adag oo lagu mamnuucayo in ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka Soomaaliya ay isaga gudbaan deegaannada Puntland.

Go’aankan ayaa muujinaya kalsooni-darrada dhalatay iyo is-hortaagga tooska ah ee lagu sameynayo saameynta ciidan ee dowladda dhexe ku leedahay Puntland.

Dhanka kale, cutubyo ka tirsan ciidamada dowladda federaalka oo horey ugu sugnaa gudaha iyo hareeraha magaalooyinka Gaalkacyo, Garoowe iyo Boosaaso ayaa bilaabay diyaargarow iyo dhaqdhaqaaqyo ciidan. Arrintan ayaa dhalisay cabsi laga qabo in ay isku dhacaan ciidamada maxalliga ah ee Puntland iyo kuwa federaalka, maadaama labada dhinacba ay ku jiraan heegan buuxa.

Magacaabista Gen. Jimcaale iyo qorshaha saanadda ciidan

Xudunta xiisaddan cusub ayaa si weyn ugu xiran magacaabistii dhowaan ay Dowladda Federaalka Soomaaliya Gen. Jimcaale Jaamac Takar ugu magacowday Taliyaha Qaybta 54-aad ee fadhigeedu yahay Garoowe. Qorshaha dowladda federaalka ayaa ah in dhammaan ciidamada federaalka ee ku sugan Puntland la hoos geeyo hal talis oo uu isagu hoggaaminayo.

Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in Gen. Jimcaale iyo saraakiil kale oo hadda ku sugan Muqdisho ay qorsheynayaan inay dhowaan gaaraan Puntland, iyagoo wata saanad ciidan iyo agab hub ah oo loogu talagalay in lagu xoojiyo ciidamada federaalka ee gobolka ku sugan. Arrintan ayaa keentay in Puntland ay sii adkeyso baraha laga soo galo magaalooyinka, si looga hortago imaanshaha saanaddaas.

Haddii ciidamada Puntland iyo kuwa federaalka ay ku kulmaan baraha koontaroolka, iyadoo amarku yahay in aan la isu gudbin, waxay taasi keeni kartaa isku dhac gacan ka hadal ah.

Shacabka ku nool magaalooyinka Garoowe, Boosaaso iyo Gaalkacyo ayaa dareemaya walaac xooggan, maadaama ciidamo dheeraad ah lagu arkayo gudaha magaalooyinka. Xaaladdan ayaa sidoo kale saameyn karta ganacsiga, isu-socodka dadka iyo dhaqdhaqaaqa gaadiidka.

Xaaladda Puntland waxay xilligan mareysaa marxalad xasaasi ah. Sida kaliya ee looga baaqsan karo isku dhac waa in la helo dhexdhexaadin iyo wada-hadal siyaasadeed oo lagu xalliyo khilaafka la xiriira taliska iyo maamulka ciidamada ee u dhexeeya labada dhinac.

- Advertisement -

Read more

Local News