Muqdisho (Caasimada Online) – Xoghayaha Madasha Samatabixinta Mucaaradka, Maxamed Aadan Jimcaale (Koofi) oo qoraal soo saaray ayaa jawaab adag siiyay Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo xalay ka hadlay hubka culus ee lagu dhex wato caasimadda.
Madaxweynaha ayaa khudbad uu jeediyay kaga hadlay arrinta hubka, wuxuuna sheegay in isaga oo 5 jeer ka badbaaday isku dil uu haddana iska diiday in lagu waardiyeeyo gaadiid dagaal iyo hubka noocyadiisa kala duwan.
Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa farriin culus u diray madaxda kale iyo mucaaradka oo uu ugu baaqay inay hubka iska dhigaan, maadaama uu haatan soo hagaagay amniga magaalada caasimada ah ee Muqdisho.
“Ma ahayn dadka ku xarakooda hubka iyo qoryaha haddana weli ma ahi, waxaana taaganahay hubka hala dhigo. Mas’uul ayaan ahay 5 jeer ayaa cadowga Khawaarijta inay i dilaan isku dayeen oo la wada ogyahay magaalada Muqdisho iyo bannaakeeda intaba saas oo ay tahay maanta waxaan joogaa baabuur ciidan ah oo qoryo ka raaracaan inaanu i daba kicin oo i ilaalin,” ayuu yiri Madaxweynuhu.
Waxaa kle oo uu kusii daray “Dadka baabuurka, hubka iyo qorayaha ay xaragada ka noqotay war markaad fiican tahay ayaa lagu arkaayee ee marka balaayo tahay laguma arko”.
Intaas kadib waxaa soo jawaabay Maxamed Aadan Jimcaale (Koofi) oo kamid ah xubnaha mucaaradka, wuxuuna warka Madaxweynaha ku tilmaamay inuu lamid yahay daawo dhacday oo kale, sida uu hadalka u dhigay.
“Warka Xasan Sheekh wuxuu la mid yahay daawo dhacday oo suuqa taalla, qofkii qaata waxay ka jaran tahay caafimaadkiisa iyo mustaqbalkiisa!”.
Dhanka kale, waxaa jira go’aan kale oo maanta kasoo baxay dowladda oo ku aadan mamnuucidda hubka culus ee lagu dhex wato magaalada Muqdisho, kaas oo uu shaaciyay Wasiirka Amniga, Cabdullahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag).
“Soomaaliya waa ka gudubtay in Wasiirada wataan hub waa wayn, waxaa kaliya ku filan laba askari oo wata hub fudud, sida Bastooladaha” ayuu yiri Wasiirku.
Maalmihii u dambeeyay ciidamada dowladda aya waday howlgal ballaaran oo hub ka dhigis ah, iyadoo inta badan lagu beegsaday xubnaha mucaaradka ee dhawaan magaalada Muqdisho dagaalka kula galay hay’adaha ammaanka.

