25.5 C
Mogadishu
Sunday, June 21, 2026

Soomaaliya oo maanta diiwaangelisay dhacdo taariikhi ah kadib markii…

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Soomaaliya ayaa maanta diiwaangelisay dhacdo taariikhi ah oo geli doonto kaydka dowladnimada, kadib markii guddoomiyaha kumeel gaarka ah ee baarlamaanka, ahna guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka, Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar ay maanta markii ugu horreysay noqotay ku-simaha Madaxweynaha, maadaama safar uu galay uu maanta Xasan Sheekh safar shaqo ugu amba-baxay dalka Kenya, halkaasi oo la filayo inuu kula kulmo dhigiisa Wiliam Ruto.

Marwo Sacdiya ayaa hadda sii hoggaamineysa dalka, waxayna shaqada qaban doonta iyada oo ah ku-sime, maadaama uu dalka ka maqan yahay Madaxweynaha.

Tani ayaa ka dhigan markii ugu horreysay ee taariikhda in Soomaaliya ay haweeney ka noqoto ku-sime Madaxweyne, waxayna fursadan dahabiga ah ku heshay markii ay xilka guddoomiyaha baarlamaanka uu ku wareejiyay Sheekh Aadan Madoobe oo maalmo kahor loo doortay hoggaamiyaha Koonfur Galbeed.

Sacdiya Yaasiin ayaa isla markiiba qaaday tallaabadii ugu horreysay, waxayna bayaan kasoo saartay dagaalka ka socda degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan, iyada oo baaq nabadeed u dirtay beelaha dagaalamaya.

“Dagaalka murugada leh ee dhex maray dad walaalo ah oo isku deegaan ah kana dhacay Degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan waa arrin culus oo aan la iska indho tiri karin, lagamana aamusi karo, waxa uuna dhaawacayaa nabadda, wadajirka bulshada iyo mustaqbalka shacabka deegaanka” ayey tiri Guddoomiye Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar.

Waxaa kale oo ay sii raacisay “Annaga oo ah Gudoonka Golaha shacabka, waxaan caddeynaynaa inaan garab taagannahay dadaal kasta oo lagu joojinayo dhiigga daadanaya, laguna xoojinayo nabadda iyo walaaltinimada shacabka deegaanka”

Ugu dambeyn, waxa ay sheegtay inay waajib tahay in la ilaaliyo nabadda, lana joojiyo waxkasta oo horseedi kara colaad horleh, sidoo kalena danta guud iyo wada noolaanshaha bulshada ay ka muhiimsanyihiin wax walba

- Advertisement -

Read more

Local News