25 C
Mogadishu
Monday, June 22, 2026

Shabaab oo howlo canshuur qaadis ah ka wada meelo u dhow xarunta HirShabeelle

Bookmark
Bookmarked

Share

Jowhar (Caasimada Online) – Maleeshiyada Al-Shabaab ayaa hawlo canshuur-qaadis ah ka wada deegaannada iyo tuulooyinka ku xeeran magaalada Jowhar, oo ah xarunta dowlad-goboleedka HirShabeelle, xilli lagu guda jiro xilli-roobaadka.

Kooxda ayaa ka faa’iideysaneysa xirnaanshaha waddooyinkii ay gaadiidku horay u isticmaali jireen, kuwaas oo biyo fariisteen, taasoo darawallada ku qasabtay inay maraan waddooyin qardo-jeex ah.

Gaadiidka ka taga magaalada Muqdisho ee ku wajahan Jowhar iyo gobollada dhexe ayaan xilligan si fudud u isticmaali karin waddada dheer ee isku xirta Balcad iyo Jowhar, sababo la xiriira waddooyinka oo biyo fariisad noqday. Taasi waxay darawallada ku qasabtay inay ka leexdaan waddadii laamiga ahayd, ayna isticmaalaan waddooyin macmal ah.

Dhibaatada ka dhalatay roobabka da’ay ayaa fursad u noqotay Al-Shabaab. Gaadiidka ka leexda waddada laamiga ah ee isku xirta Balcad iyo Jowhar ayaa waxaa dhexda u gala maleeshiyada kooxda, kuwaas oo lacago canshuur ah uga qaada waddooyinka ay darawalladu miciinka bideen.

Kooxda Al-Shabaab ayaa gaadiid kasta oo isticmaala waddooyinka qardo-jeexa ah ee u dhexeeya Balcad iyo Jowhar ku canshuurta lacago kala duwan, iyadoo qiimeynta ku saleysa nooca gaadiidka iyo rarka saaran.

Darawallada ka cawday canshuuraha Al-Shabaab ayaa sheegay in lagu canshuuro waddada kala-goyska ah, inta aan la gaarin deegaanka Qalimoow oo u dhexeeya Balcad iyo Jowhar.

Sidoo kale, kooxda Al-Shabaab ayaa muddooyinkii dambe si xooggan u maamuleysay deegaannada ku xeeran xarunta HirShabeelle ee Jowhar. Deegaannadaas waxaa ka mid ah Xawaadleey, Shanloow, Yaaqle, Lama-koore, Far-barako, Mukay Dheere, Mareereey iyo deegaano kale oo dhammaantood hoos yimaada degmada Jowhar.

Arrintan ayaa imaneysa xilli aysan weli muuqan qorshe cad ama howlgallo ballaaran oo lagu furayo waddooyinka u dhexeeya magaalooyinka Balcad iyo Jowhar, iyadoo la og yahay in Al-Shabaab ay marar badan dhexda u gasho ciidamada dowladda iyo kuwa HirShabeelle ee isticmaala waddooyinkaas.

Inkastoo ciidamada dowladda iyo kuwa HirShabeelle ay weli wadaan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, haddana kooxda ayaa dib ugu soo laabatay deegaano muhiim ah oo horay looga saaray.

Ciidanka Xoogga Dalka, oo kaashanaya saaxiibada caalamiga ah ee ka taageera duqeymaha cirka iyo ciidamada deegaanka, ayaa weli HirShabeelle ka wada howlgallo joogto ah oo ka dhan ah Al-Shabaab.

- Advertisement -

Read more

Local News