Muqdisho (Caasimada Online) – Warbixin cusub oo ka soo baxday Jarmalka ayaa sheegtay in Israel ay raadineyso joogitaan badeed iyo mid militari oo ay ka hesho dekedda Berbera ee gobolka Somaliland, tallaabo haddii ay hirgasho siin karta ciidamada badda Israel marin istaraatiiji ah oo ku wajahan Gacanka Cadmeed iyo xeebaha Yemen.
Warbaahinta difaaca ee Defence Network ayaa ku warrantay in xiriirka cusub ee ka dhex abuurmay Israel iyo maamulka Somaliland uu suurto-gelin karo in ciidamada badda Israel ay adeegsadaan Berbera, gaar ahaan howlgalada la xiriira maraakiibta quusta ee nooca Dolphin, oo ah gujisyo Jarmalku u dhisay Israel.
Warbixinta, oo soo xiganeysa ilo shisheeye, ayaa sheegtay in Israel ay si firfircoon u dooneyso inay dhisto joogitaan badeed iyo mid militari oo ay ku yeelato dekedda Berbera. Hase yeeshee, waxay intaas ku dartay in aysan jirin xaqiijin rasmi ah oo muujineysa in gujisyada Dolphin si joogto ah loo geyn doono Berbera ama ay si joogto ah uga howl geli doonaan dekeddaas.
Arrintan ayaa soo baxday maalmo kadib markii mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Somaliland ay xaqiijiyeen in Israel ay tababar siiso qaar ka mid ah ciidamada booliska iyo kuwa militariga ee maamulkaas, balse ay beeniyeen in ay socdaan wadahadallo ku saabsan saldhig militari oo Israel ka furato Somaliland.
“Ma jiro joogitaan militari oo Israel ku leedahay Somaliland, mana jiraan saldhigyo ciidan oo Israel leedahay,” ayuu yiri Wasiirka Difaaca Somaliland, Maxamed Yuusuf Cali, xilli uu la hadlayay Reuters intii lagu guda jiray safar ay Israel ku tageen wafdi uu hoggaaminayay madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi Cirro.
“Laakiin Israel way caawineysaa Somaliland… waxay naga taageereysaa tababarka qaar ka mid ah booliska iyo militariga,” ayuu raaciyay.
Dowladda Israel weli si rasmi ah ugama hadlin warbixinta la xiriirta Berbera. Defence Network ayaa sheegtay in ilo Israel ah ay ka gaabsadeen inay ka falceliyaan wararka warbaahinta dibadda, balse ay tilmaameen muhiimadda goobta Berbera oo si toos ah uga soo horjeedda Yemen.
Dekedda Berbera waxay ku taalla Gacanka Cadmeed, meel u dhow marin-biyoodka Bab al-Mandab, oo ka mid ah marinnada ugu mashquulka badan dunida. Marin-biyoodkaas ayaa isku xira Badweynta Hindiya, Badda Cas iyo Kanaalka Suweys, wuxuuna muhiim u yahay ganacsiga iyo dhaq-dhaqaaqa ciidamada badda ee dalal badan.
Muhiimadda Berbera ayaa sii kordhay tan iyo markii Xuutiyiinta Yemen, oo Iran taageerto, ay bilaabeen weerarro ay ku qaadaan maraakiibta maraya Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed, iyo sidoo kale gantaallo iyo diyaarado aan duuliye lahayn oo ay ku weeraraan Israel tan iyo bilowgii dagaalka Gaza.
Xiriirka Israel iyo Somaliland ayaa si degdeg ah u kordhay bilihii u dambeeyay, kadib markii Israel ay bishii Diseembar ku dhawaaqday inay aqoonsatay Somaliland, tallaabo ay dowladda Soomaaliya si adag uga hortimid.
Muqdisho ayaa sheegtay in Somaliland ay tahay qeyb ka mid ah dhulka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxayna tallaabada Israel ku tilmaamtay “weerar ula kac ah” oo lagu qaaday madax-bannaanida iyo midnimada Soomaaliya.
Intii uu socday safarka wafdiga Somaliland ee Israel, Wasiirka Difaaca Israel, Israel Katz, ayaa sheegay in Israel iyo Somaliland ay muddo sanado ah lahaayeen iskaashi qarsoodi ah.
“Sanado badan waxaan si qarsoodi ah uga wada shaqeynaynay howlgallo taxane ah oo weli sir ahaan doona,” ayuu yiri Katz, sida lagu sheegay hadal ka soo baxay xafiiskiisa.
“Hadda waxaan dooneynaa inaan iskaashigeenna amni gaarsiino heerar cusub, si ay uga faa’iideystaan labada dhinac iyo xasilloonida gobolka,” ayuu raaciyay.
Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Cirro, ayaa dhankiisa Israel ka dalbaday maalgashi ballaaran oo ku saabsan beeraha, xoolaha, maaraynta biyaha, tamarta dib loo cusbooneysiin karo, caafimaadka iyo amniga internet-ka.
“Somaliland way u furan tahay ganacsi, waxayna diyaar u tahay maalgashi Israel ka yimaada,” ayuu ka sheegay munaasabad lagu qabtay Tel Aviv.
Berbera waxay ka mid tahay hantida dhaqaale ee ugu muhiimsan ee maamulka Somaliland ku tiirsan yahay. Shirkadda DP World ee laga leeyahay Dubai ayaa maalgelin weyn ku sameysay ballaarinta dekedda, halka Hargeysa ay dekeddaas u bandhigto marin ganacsi oo u adeegaya Itoobiya iyo guud ahaan Geeska Afrika.
Warbixinta Defence Network ayaa sidoo kale xoogga saartay gujisyada Dolphin ee Israel, kuwaas oo lagu tilmaamo qaar ka mid ah hubka ugu xasaasisan ee ciidamada Israel haystaan.
Gujisyadaas waxaa dhisay Jarmalka, waxayna ka mid yihiin maraakiibta quusta ee awoodda u leh inay muddo dheer badda hoosteeda ku jiraan. Noocyada dambe ee Dolphin waxaa lagu qalabeeyay nidaam u oggolaanaya in ay muddo dheer ku shaqeeyaan badda hoosteeda iyaga oo aan si degdeg ah dusha uga soo bixin.
Israel si rasmi ah ugama hadasho dhammaan awoodaha militari ee maraakiibteeda quusta, balse falanqeeyayaasha militariga ee dibadda ayaa muddo dheer sheegayay in gujisyada Dolphin ay awood u yeelan karaan inay qaadaan gantaallo riddadoodu dheer tahay, taasoo Israel siin karta awood weerar oo badda laga fuliyo.
Defence Network ayaa sheegtay in maraakiibtan quusta ay door ka ciyaari karaan ururinta sirdoonka, la socodka xeebaha ay maamulaan dhinacyada ay Israel cadowga u aragto, iyo fulinta weerarro sax ah oo loo adeegsado gantaallo riddadoodu dheer tahay ama torpedoes.
Hase yeeshee, warbixintu waxay caddeysay in Israel aysan xaqiijin faahfaahinta hubka ay gujisyadeedu qaadaan, mana jiraan xog rasmi ah oo muujineysa in Berbera loo diyaariyay inay noqoto saldhig joogto ah oo ay ka howl galaan.
Warar hore ayaa sheegayay in Israel ay xilliyo xiisad sare la gashay Iran u dirtay ugu yaraan hal gujis oo Dolphin ah dhinaca Gacanka. Si kastaba, Israel aad bay uga gaabsataa inay ka hadasho dhaq-dhaqaaqa gujisyadeeda.
Warbixinta cusub waxay ku soo beegmeysaa xilli xiriirka Israel iyo Somaliland uu yeeshay weji militari iyo mid amni oo sii muuqda, balse maamulka Hargeysa uu weli ku adkeysanayo in uusan jirin heshiis saldhig ciidan oo Israel la galay.
Dowladda Soomaaliya ayaa dhankeeda ku adkeysaneysa in heshiis kasta oo militari, diblomaasiyadeed ama ganacsi oo la xiriira Somaliland uu u baahan yahay oggolaanshaha dowladda federaalka ee fadhigeedu yahay Muqdisho, maadaama gobolkaas uu yahay qeyb ka mid ah dhulka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

