Hargeysa (Caasimada Online) – Dowladda Israa’iil ayaa ciidamo tiro yar u dirtay Somaliland horraantii sanadkan, sida uu wargeyska Middle East Eye u sheegay sarkaal sare oo ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya, taas oo dhalisay dood ku saabsan heerka xiriirka amni ee u dhexeeya Israa’iil iyo Somaliland.
Sarkaalkan oo magaciisa la shaacin sababo la xiriira xasaasiyadda arrinta ayaa sheegay in Israa’iil ay ciidamo u dirtay Somaliland kadib markii ay si rasmi ah u aqoonsatay Somaliland bishii December, isla markaana ay dib u soo cusboonaadeen xiisadaha u dhexeeya Israa’iil iyo Iiraan dabayaaqadii bishii Febraayo.
Sida uu sheegay sarkaalku, ku dhowaad 50 askari ayaa la geeyay gudaha Somaliland, kuwaas oo la sheegay inay qayb ka yihiin qorsheyaal amni iyo iskaashi militari oo u dhexeeya labada dhinac.
Warbixinta Middle East Eye ayaa intaas ku dartay in xogaha sirdoon ee la helay ay muujinayaan in inta badan ciidamadaas laga soo xulay askar Israa’iiliyiin ah oo asal ahaan ka soo jeeda Afrika, gaar ahaan kuwa leh asal Itoobiyaan, si aan si fudud loogu aqoonsan ama ugu dhex milmaan bulshada deegaanka.
Wargeyska ayaa sheegay inuu xiriir la sameeyay ciidamada Israa’iil si uu uga helo faah-faahin ku saabsan eedeymahaas, hase yeeshee saraakiisha milatariga ayaa ka gaabsaday inay ka hadlaan arrinta, iyagoo sheegay inay khusayso hoggaanka siyaasadda ee dalkaas. Sidoo kale, Middle East Eye ayaa sheegay inuusan wax jawaab ah ka helin maamulka Somaliland.
Dhanka kale, Wasiirka Difaaca Israa’iil, Israel Katz ayaa Arbacadii sheegay in Israa’iil iyo Somaliland ay muddo sannado ah si qarsoodi ah uga wada shaqeynayeen arrimo amni. Hadalkan ayuu ka sheegay kulan uu la yeeshay Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro).
Warbixin hore oo ay daabacday CNN, iyadoo soo xiganaysa ilo xog-ogaal ah ayaa sidoo kale sheegtay in Somaliland ay Israa’iil siisay goob militari oo dheeraad ah oo loo adeegsan karo joogsiga diyaaradaha duullimaadyada fog.
Hase yeeshee, Wasiirka Gaashaandhigga Somaliland, Maxamed Yuusuf Cali ayaa Arbacadii si cad u beeniyay in Israa’iil ay saldhig militari ku leedahay Somaliland, isagoo sheegay in aanay jirin wax saldhig ah oo Israa’iil ku leedahay deegaannada maamulka Somaliland.
Wasiirku ayaa qiray in Israa’iil ay taageero siiso Somaliland, isla markaana ay gacan ka geysato tababarka qaar ka mid ah ciidamada booliska iyo milatariga. Arrimahan ayaa ku soo aadaya xilli uu sii xoogeysanayo xiriirka amni iyo istaraatiijiyadeed ee u dhexeeya Israa’iil iyo Somaliland, iyadoo aan weli si rasmi ah loo caddeyn heerka dhabta ah ee iskaashiga labada dhinac.
Si kastaba, xiriirka Israel iyo Somaliland ayaa si degdeg ah u kordhay bilihii u dambeeyay, kadib markii Israel ay bishii December ku dhawaaqday inay aqoonsatay Somaliland, tallaabo ay dowladda Soomaaliya si adag uga hortimid.
Muqdisho ayaa sheegtay in Somaliland ay tahay qeyb ka mid ah dhulka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxayna tallaabada Israel ku tilmaamtay “weerar ula kac ah” oo lagu qaaday madax-bannaanida iyo midnimada Soomaaliya.
Intii uu socday safarka wafdiga Somaliland ee Israel, Wasiirka Difaaca Israel, Israel Katz, ayaa sheegay in Israel iyo Somaliland ay muddo sanado ah lahaayeen iskaashi qarsoodi ah.
“Sanado badan waxaan si qarsoodi ah uga wada shaqeynaynay howlgallo taxane ah oo weli sir ahaan doona,” ayuu yiri Katz, sida lagu sheegay hadal ka soo baxay xafiiskiisa.
“Hadda waxaan dooneynaa inaan iskaashigeenna amni gaarsiino heerar cusub, si ay uga faa’iideystaan labada dhinac iyo xasilloonida gobolka,” ayuu raaciyay.
Dowladda Soomaaliya ayaa dhankeeda ku adkeysaneysa in heshiis kasta oo militari, diblomaasiyadeed ama ganacsi oo la xiriira maamulka Somaliland uu u baahan yahay oggolaanshaha dowladda federaalka ee fadhigeedu yahay Muqdisho, maadaama gobolkaas uu yahay qeyb ka mid ah dhulka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

