Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka saaka laga helaayo Deegaanada Deefoow iyo Kabxanleey ayaa sheegaya in halkaasi uu dib uga qarxay Dagaal qaraaran.
Deegaanka Deefoow ayaa qiyaastii 40 KM u jira Magaalada Baladweyne ee Gobolka Hiiraan, waxaana halkaasi ku dagaalamaaya Laba beel oo iyagu bilowgii asbuucaani sidaa ookale isku dagaalay.
Dagaalka ayaa la tilmaamayaa inuu qarxay Abaaro 2:00 PM oo habeenimo, iyadoona ay dagaalka soo qaaden Maleeshiyo horay looga saaray Deegaanadaasi ay dib dagaal rogaal celis ah ugu qaadeen dhinaca kale.
Dadka deegaanka ayaa kusoo waramaaya in Dagaalka uu bilowday xalay ilaa iyo hadana la maqlaayo rasaas xoogan oo ay is weydaarsanayaan labada dhinac.
Lama oga heerka uu gaarsiisan yahay khasaaraha ka dhashay dagaalka, mana jirto cid ilaa iyo iminka kala dhex gashay dagaalamayaasha.
Dhanka kale, Dadkii Deegaanka ayaa horay isaga barakacay Degaanada si aysan u saameyn colaada, mudo ku dhow labo sano ayuu socdaa Dagaalka Deefoow.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]