Muqdisho (Caasimada Online)-Dagaal qaraaran oo u dhexeeyay Ciidamada Milliteriga Dowlada Somalia ayaa waxa uu maanta ka dhacay Degmada Buurdhuubo ee Gobolka Gedo.
Dagaalka oo muddo kooban socday ayaa waxaa ku dhintay ilaa Seddex Askari oo kamid ahaa kuwa dagaalamay, halka dhaawacana uu gaaray ilaa labo.
Dagaalka ayaa ka dhashay raashiin loo qeybinaayay Ciidamada Dowladda ee ku sugan Degmada Buurdhuubo ee Gobolka Gedo.
Mudada kooban ee uu dagaalka socday ayaa waxaa hakat ku imaaday ganacsiga iyo isu socodka gaadiidka, waxa uuna dagaalka qalqal galiyay dadka deegaanka oo ku sigtay inay ka cararaan aqaladooda.
Dagaalka ayaa waxaa hakiyay Saraakiisha Ciidamada Dowlada kuwaasi oo kala taabacsanaa labada ciidan oo ka kala tirsanaa laba guuto.
Ma aha dagaalkii ugu horeeyay oo dhexmara ciidamo kawada tirsan Dowlada, waxa uuna dagaalka noocaasi ah sababaa khasaaro badan oo soo gaara shacabka, bacdamaa ay ciidamadu ku dhex noolyihiin shacabka.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

