25.2 C
Mogadishu
Saturday, January 3, 2026

Xog: Dagaal beeleed qaraar oo maanta ka qarxay gobolka Sool

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya Koonfurta Gobolka Sool ayaa sheegaya in dagaal beeleed halkaas ka socda uu dhaliyay khasaaro dhimasho iyo dhaawacba leh.

Dagaalka ayaa u dhexeeyay laba maleeshiyo beeleed oo ka soo kala jeeda beelaha Bah-harsame iyo Qayaad ee beel waynta Dhulbahante-Harti.

Dagaalka oo ah mid aad u xoogan ayaa waxaa ku geeriyooday dad ku dhowaad gaaraya 30-ruux, iyadoona tiro intaasi ka badana ay ku dhaawacmeen.

Waxaa ay wararka intaasi ku darayaan in dagaaladaasi xoogooda ay ka dhaceen deegaanka Dharkeeygeenyo oo ka tirsan Gobolka Sool waxana dagaaladaasi salka ay ku hayaan aanooyin qabiil.

Cabdifitaax Cawil oo ah Guddoomiyaha deegaanka Buuhoodle aya sheegay in dagaalka uu ahaa mid aan horay uga dhicin deegaanka.

Cabdifitaax waxa uu sheegay in Dagaalka ay qeyb ka yihiin Ciidamo ka tirsan maamulka Soomaaliland wuxuuna tilmaamay in Ciidamada Soomaaliland ay si bareer ah u dilayaan dadka shacabka ah.

Waxgarad ka soo jeeda gobolka Sool iyo culimaa’udiin ayaa ku sii qul-qulaya deegaanka dagaalka uu ka socdo ee Dharkeyn-geenyo si ay xaaladda u qaboojiyaan.

Dagaal Beeleedkani Ka dhacay Deegaano ka tirsan Gobolka Sool ayaa Noqonaya Dagaal Beeleedkii ugu khasaaraha Badnaa ee ka dhaca Deegaanada Gobolka Sool

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News