Cadaado (Caasimada Online) Wararka naga soo gaaraya magaalada Cadaado ee xarunta maamulka Ximin iyo Xeeb ayaa sheegaya in halkaas maanta uu ka dhacay dagaal u dhexeeya ciidamada maamulka iyo maleeshiyaad hubeysan.
Inta la ogyahay shan qof ayaa ku dhaawacmay dagaalka ka dhacay Cadaado.
Dagaalka ayaa billowday markii ciidamada ammaanka Maamulka Ximin iyo Xeeb ay howllo burburin ah ka sameeyay wadooyin la mamnuucay.
Xaaladda magaalada ayaa kacsan waxaana la soo sheegayaa in xiisad ay ka taagan tahay magaalada sida uu soo sheegay wariye aan wareysanay.
Ma cadda ilaa wax yaabaha dagaalka maanta ka qarxay magaalada Cadaado ee gobalka Galgaduud.
Wixii ku soo kordha kala soco Shabakadda Caasimada Online