28.9 C
Mogadishu
Saturday, June 28, 2025

Dagaallo khasaaro geestay oo weli ka socda duleedka Baledweyne

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Beledweyne (Caasimada Online) Wararka naga soo gaaraya magaalada Beledweyne ee xarunta gobalka Hiiraan ayaa sheegaya in halkaas uu ka socdo dagaal xooggan oo u dhexeeya beelo ku dhaqan deeganka Kabxanley oo duleedka ka ah Beledweyne.

Dagaalka oo ka dhashay dhul daaqsiin la isku heesto ayaa la sheegayaa in ay soo kala dhexgaleen ciidamada New Police ee dowlad deeganka Itoobiya iyo kuwa maamulka Gobalka Hiiraan.

Dagaalka oo saakay markale ka qarxay deegankan waxaa lagu soo warramayaa in ay ku geeriyoodeen toddobo qof oo u badan dhinacyadii dagaalamay sidoo kale dhaawac ayaa jirra.

Waxaa kaloo wararka ay sheegayaan in lagu gubay guryo badan oo ku yaalay deeganka sida ay lee yihiin goobjoogayaasha.

Waxaa kaloo dagaalka uu sababay barakac xooggan waxaana dadka dhaawaca la sheegay in loo soo qaaday magaalada Beledweyne.

Ma jirto cid ilaa hadda kala dhex gashay maleeshiyo beeleedka ku dagaalamay deeganka Kabxanley, waxaana xilli kasta la fillan karaa dagaalka in uu qarxo.

Faah-faahin kala soco Shabakadda Caasimada Online.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Beledweyne

[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News