25.4 C
Mogadishu
Monday, June 30, 2025

Dagaal la isku adeegsanayo madaafiic culus oo ka socda duleedka Guriceel

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaarayo Magaalada Gurceel ee Gobolka Galgaduud, ayaa sheegaya in Madaafiic iyo gurxanka hubka culculus laga maqlaayo Bariga Magaalada Guriceel.

Wararku waxa ay sheegayaan in dagaalkaasi uu goor dhow bilowday, iyadoona ay risaastu is weydaarsanayaan Ciidamada DF Somalia iyo kuwa Ahlu sunna.

Dadka deegaanka ayaa kusoo waramaya in hubka culculus ay maqlayaan, waxa ayna tilmaamayaan inay aad uga cabsi qabaan in uu dib u bilowdo dagaal weyn.

Madaafiicda ayaa la sheegayaa inay bilaaben Ciidamada Ahlu sunna oo iyagu dadaal xoogan ugu jira sida ay Ciidamada dowlada uga fogeyn lahaayen goobaha ay ka arimiyaan.

Dhanka kale Ciidamo ka tirsan Milatariga Dowlada oo iminka iska caabinta sameynaya ayaa aroornimadii Saaka ka soo baxay Magaalada Dhuusomareeb, waxaana la soo warinayaa in Madaafiicda ay bilaabatay kadib markii Ciidamada ahlu sunna ay wadada u galeen Ciidamada Dowlada.

Xaalada Gurceel oo Saaka u muuqatay mid degan ayaa hada ku soo laabatay Cabsi iyo in Dagaal uu Dib uga bilowdo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News