25.8 C
Mogadishu
Thursday, June 26, 2025

Dagaalka Gaalkacyo oo xoogeystay iyo dhaawacyo isbitaalada la dhigay

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Gaalkacyo (Caasimada Online)-Wararka aan ka heleyno magaalada Gaalkacyo ayaa sheegaya inuu sii xoogeystay dagaalkii saaka ka bilowday Galbeedka magaalada.

Dagaalka oo u dhaxeeya ciidamada Puntland iyo Galmudug ayaa lagu soo waramayaa inuu gaarayo deegaano horleh oo ka tirsan galbeedka magaalada.

Dhaqaatiirta caafimaadka ayaa sheegaya in dad badan oo dhaawacyo qaba la dhigay xarumaha caafimaadka waaberigii saaka, waxaana la ogeyn khasaaraha dhimashada.

Saraakiisha labada dhinac ayaa ku faanaya guulaha dagaalka, iyadoo wali dagaalka uu ka socdo duleedka magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug.

Dadka magaalada ku haray ayaa sheegaya in baqdin kale ay ka jirto Suuqa Darxumo iyadoo laga cabsanaya in dagaalka halkaasi uu ku faafo.

La soco daqiiqad walbaa waxyaabaha kusoo kordhaa Dagaalka Insha allah.

Caasimada Online
Xafiiska Mudug
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News