26.8 C
Mogadishu
Saturday, March 28, 2026

Dagaalka Iran oo xaalad halis ah ka horseeday Soomaaliya

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Doolow (Caasimada Online) – Hay’adaha gargaarka ayaa ka digay in carqaladaha ka dhashay dagaalka Iiraan iyo yaraanta maalgelinta ay sii xumeeyeen xaaladda macluusha ka jirta koonfurta Soomaaliya, halkaas oo kumannaan qoys oo barakacayaal ah ay la tacaalayaan badbaadinta noloshooda kaddib markii abaartu ay baabi’isay dalagyadoodii iyo xoolahoodii.

UNICEF ayaa sheegtay in dagaalka Bariga Dhexe uu hakad geliyay gaarsiinta sahayda naf-badbaadinta ah ee loo waday Soomaaliya, isla markaana uu sare u qaaday kharashaadka gaadiidka, taasoo keentay cabsi laga qabo in gargaar cunto iyo dawooyin ah uusan waqtigiisa ku gaari doonin bulshada nugul.

Hay’addu waxay sheegtay in sahay qiimaheedu gaarayo 15.7 milyan oo dollar, oo ay ku jiraan cuntooyinka daaweynta nafaqo-darrada, tallaallo iyo shabaqyadaa kaneecada, ay hadda ku jiraan safar ama loo diyaarinayo in Soomaaliya la keeno, balse keenistooda ay wajahday hubanti la’aan cusub.

Agaasimaha guud ee UNICEF, Catherine Russell, oo Arbacadii booqatay degmada Doolow, ayaa sheegtay in dagaalka Iran uu si weyn u saameeyay howlihii gargaarka ee hay’addu ka waday Soomaaliya.

“Waxay ka dhigan tahay in sahaydu aysan noogu soo geli karin si sahlan, isla markaana qiimaha shidaalku aad u sarreeyo,” ayay tiri Russell. “Waa dhibaato kale oo aan isku dayeyno inaan la tacaalno, waxaana ay ka dhigan tahay in carruur badan ay sii dhibtoon doonaan.”

UNICEF ayaa sheegtay in qiimaha gaadiidka uu kordhi karo boqolkiiba 30 ilaa 60, halka waddooyinka qaarna uu xitaa labalaabmi karo, maadaama dib-u-leexinta maraakiibta iyo saxmadda dekeduhu ay dib u dhac ku keenayaan sahayda.

Digniintan ayaa imaneysa xilli Soomaaliya ay wajaheyso abaar sii xoogeysaneysa, kaddib afar xilli-roobaad oo xiriir ah oo roobabku ka baaqdeen deegaanno badan, taasoo qoysas badan ku khasabtay inay ka soo barakacaan miyiga una soo gudbaan xeryaha sida Ladan ee ku yaalla duleedka Doolow ee gobolka Gedo.

Dhinaca kale, hay’adaha gargaarka ayaa sheegay in in ka badan 400 xarumood oo caafimaad iyo nafaqo ah ay xirmeen sannadkii la soo dhaafay guud ahaan Soomaaliya, sababo la xiriira inta badan dhimista maalgelintii Mareykanka, taasoo ka dhigtay bulshooyin badan kuwo aan helin adeegyo aasaasi ah.

Russell ayaa sheegtay in isku darka carqaladaha sahayda, kororka kharashaadka iyo xiritaanka xarumaha caafimaadka ay carruurta ku riixeen heer aad halis u ah.

“Waxaan arkeynaa carruur durba qarka u saaran geeri iyo xaalad aad u daran,” ayay tiri.

Bishii hore, dowladda Soomaaliya ayaa ka digtay in ku dhowaad 6.5 milyan oo qof oo ka mid ah dadka dalka ay wajahayaan cunto yari aad u daran, maadaama abaarta, colaadaha iyo hoos u dhaca gargaarka caalamiga ah ay sii xoojiyeen xaaladda bani’aadannimo.

Warbixin ay soo saartay hay’adda caalamiga ah ee IPC, oo la socota heerarka sugnaanta cuntada, ayaa qiyaastay in 1.84 milyan oo carruur Soomaaliyeed ah oo ka yar shan jir ay la kulmi doonaan nafaqo-darro ba’an inta lagu jiro sanadkan 2026.

Xerada Ladan, oo hoy u ah ku dhowaad 4,500 qoys, ayaa waxaa ka muuqda aqallo ka sameysan bacaha iyo marooyinka duugga ah oo qorraxda kulul hoosteeda lagu dhisay ulo iyo geedo qodxo leh.

“Waxaan rabnaa oo keliya in carruurteenna ay noolaadaan,” ayay tiri Shamso Nuur Xuseen, oo 20 jir ah, carmalna ah, lehna saddex carruur ah. Waxay sheegtay inay ka soo barakacday deegaankeeda gobolka Bakool kaddib markii ay wayday dhammaan xoolihii ay dhaqan jirtay.

“Tan iyo saaka waxaan haysannay oo keliya shaah madow,” ayay tiri.

Isbitaalka Doolow, shaqaalaha caafimaadka ayaa sheegay in xaaladda carruurta nafaqo-darrada la keenayo ay ka sii dareyso maalinba maalinta ka dambeysa.

Libaan Rooble, oo ah isku-duwaha barnaamijka nafaqada ee isbitaalka, ayaa sheegay in xaruntu horey u qaabili jirtay carruur qaba xaalado dhexdhexaad ah, balse hadda ay imaanayaan carruur xaaladdoodu aad u liidato.

“Hadda waxaan heleynaa carruur ku sugan xaalad aad u halis ah, oo aad u tabar daran, nafaqo-darro daran qabta, mararka qaarna laf iyo maqaarka isu beddelay,” ayuu yiri.

Rooble ayaa sheegay in sahayda hadda taal isbitaalka ee lagu daweeyo carruurta nafaqo-darradu hayso ay ku filan tahay oo keliya illaa bartamaha bisha April ama dhammaadkeeda.

“Haddii aysan sahay cusub imaan, carruur badan ayaa sii liici doona, qaarna way dhiman karaan,” ayuu yiri.

Xarunta nafaqada ee Ladan, shaqaalaha caafimaadka ayaa wali miisaamaya carruurta isla markaana siinaya cunto daaweyn ah oo loos ku saleysan, taasoo loo adeegsado in lagu xasiliyo carruurta nafaqo-darradu saameysay.

Kalkaaliye Abdimajid Aadan Xuseen ayaa sheegay in daaweyntan ay tahay mid muhiim u ah badbaadinta carruurta, maadaama jirradooda tabarta daran ay uga sii nugleynayaan cudurro kale.

“Jirkooda daciifay wuxuu u fududeeyaa oof-wareen, shuban iyo cudurro kale,” ayuu yiri.

Mas’uuliyiinta bulshada ee xerada ayaa sheegay in taageeradii bani’aadannimo ay si weyn hoos ugu dhacday.

“Waxaan horay gargaar uga heli jirnay hay’adaha samafalka, balse taas waxay joogsatay bishii September 2025,” ayuu yiri guddoomiye ku xigeenka xerada Ladan, Cabdifataax Maxamed Cismaan.

“Taageerada yar ee hadda na soo gaarta waxay u badan tahay cuntooyinka daaweynta ee carruurta nafaqo-darrada qabta.”

Soomaaliya ayaa wajahaysa xaaladdan bani’aadannimo iyadoo isla markaasna ku jirta dagaal dheer oo ay kula jirto kooxda Al-Shabaab, taasoo sii adkeysay gaarsiinta gargaarka deegaanno badan kana dhigtay xaaladda mid ka sii adag.

Doolow iyo deegaannada ku xeeran, qoysaska barakacay waxay sheegeen in walaacooda ugu weyn uu yahay sidii ay nolol ugu heli lahaayeen carruurtooda, xilli cunnada ay sii yaraaneyso, sahayduna ay noqotay mid aan la hubin.

- Advertisement -

Read more

Local News