Dagaalka Laascaanood oo galay maalintii shanaad iyo wararkii ugu dambeeyay

Laascaanood (Caasimada Online) – Dagaalka ka socdo magaalada Laascaanood ee xartunta gobolka Sool ayaa galay maalintii shanaad oo xiriir ah, waxaana markale uu dagaalka dib uga bilowday duleedka magaalada oo ay isku hayaan ciidamada maamulka Somaliland iyo kuwa dadka deegaanka ee ku dagaalamay halkaasi.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalka oo hakad kooban galay shalay gelinkii dambe uu haddana dib u qarxay saaka, kadib markii ciidamada hubeysan ee deegaanka ay weerareen saldhigyada ciidamada Somaliland ee duleedka magaalada Laascaanood.

Dagaalka saaka ayaa inta la xaqiijiyay waxaa ku geeriyooday illaa saddex ruux oo labada dhinac ah, waxaana la sheegaya in ciidamada Somaliland ay madaafiic ku garaacayeen magaalada.

Sidoo kale waxaa dadka yar ee ku haray gudaha Laascaanood ay saaka bilaabeen inay isaga tagaan halkaasi, maadaama uu dagaalka kasii daray, uuna galay maalintii shanaad.

Guddoomiyaha xisbiga Ucid Faysal Cali Waraabe ayaa dalbaday in si loo dhameeyo xiisadda Laascaanood, loona gaaro xal nabadeed ay marka hore xukuumadda Somaliland ku dhawaaqdo xabad joojin hal dhinac ah.

“Dawladdu waa inay fududaysaa gar-gaarka bini’aadantinimo ee dadka barakacay, ayna samayso dadaal kasta oo lagu xaqiijinayo nabadda,” ayuu yiri guddoomiyah xisbiga mucaaridka ah ee Ucid.

Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in afarta maalin ee hore ee dagaalka uu socday ay ku dhinteen in ka badan 40 qof, ayada oo in ka badan 150 kale ay dhaawac yihiin, lagana cabsi qabo in khasaaraha uu intaas kasii bato, maadaama uu weli socdo dagaalka.

Dhaawacyada qaar ayaa waxaa la geeyey magaalada Muqdisho ee caasimada dalka, halka kuwa kalana la geeyay magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal, oo ay ka heleen gurmaad caafimaad oo ay u sameysay Puntland.

Dhanka kale waxaa isa soo taraya baaqyada caalamiga ah ee loo dirayo labada dhinac, waxaana beesha caalamka oo ka hadashay xaaladda Laascaanood ay si adag u cambaareysay dhiiga ku daadanaya magaaladaasi, ayada oo ku baaqday in dagaalka la joojiyo, kadibna la wada-hadlo.

Qaramada Midoobay oo ayaduna ka hadashay xiisada dagaal ee taagan ayaa dalbatay in baaris lagu sameeyo cidda ka dambeysa shacabkii lagu laayey magaalada Laascaanood.

Sidoo kale, dowladda Mareykanka ayaa ku baaqday in deg deg loo joojiyo dagaalka ka socda magaalada Laascaanood oo galay maalintii afaraad, islamarkaana dhaliyey khasaare xooggan.

Qoraal kasoo baxay xafiiska arrimaha Afrika ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda Mareykanka ayaa lagu yiri “Duqeymaha aan loo meel dayin ee lagu hayo dadka shacabka ah waa wax aan la aqbali karin, waana in la joojiyo. Waxaan ku baaqaynaa in si deg-deg ah loo qaboojiyo colaadda Laascaanood.” 

Dowladda Mareykanka ayaa sidoo kale sheegtay inay dalbaneyso “Badbaadinta dadka shacabka, gargaarka bani’aadannimo oo aan la carqaladayn iyo xiisadda oo si nabad ah iyo wada-xaajood lagu xaliyo.”