QM oo dalbatay in la baaro cidda ka dambeysa shacabka lagu dilay Laascaanood

New York (Caasimada Online) – Ergeyga QM ee xuquuqda aadanaha Volker Türk ayaa ugu baaqay mas’uuliyiinta Soomaaliyeed in baaritaan madax-banaan, wax ku ool ah islamarkaana dhex-dhexaad ah lagu sameeyo dadka lagu dilay dagaalka magaalada Laascaanood.

Dagaalkaas oo qarxay Isniintii ayaa waxaa illaa hadda la xaqiijiyey inay ku dhinteen 40 qof, ayada oo ku dhowaad 140 kale ay ku dhaawacmeen, sida uu xaqiijiyey agaasimaha isbitaalka Laascaanood Axmed Maxamed Xasan. 

“Ugu yaraan 20 qof ayaa la dilay, qiyaastii 119 kalena waa lagu dhaawacay – oo ay ka mid yihiin caruur – dagaalka u dhaxeeya ciidamada ammaanka iyo qabaa’ilka deegaanka ee magaalada Laascaanood,” ayuu yiri Türk.

Waxa uu sidoo kale sheegay inuu ka walaacsan yahay in isku dhacyada weli ay socdaan, ayna jiraan warbixino sheegaya khasaare dheeraad ah.

“Dilalkan sharci-darrada ah ayaa imanaya hal bil kadib markii 20,000 oo qof ay barakiciyeen isku dhacyada Laasacaanood, kuwaas oo oo keeni kara barakac dheeraad ah, siina cusleyn kara xaaladda bani aadannimo ee gobolka.”

“Waxaan ugu baaqayaa mas’uuliyiinta inay sameeyaan baaritaan lagu kalsoonaan karo oo dhexdhexaad ah oo ku saabsan isku dhacyada si loo go’aamiyo cidda mas’uulka ka ah oo lagula xisaabtamo maxkamadeyn caddaalad ah, oo ay qeyb ka tahay burburka lasoo sheegay ee guryaha.”

Hadalka QM kasoo baxaya ayaa ah mid miisaan culus, wuxuuna imanaya ayada aoo ciidamada Somaliland horey loogu eedeeyey inay shacab ku dileen magaalada.

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shalay ku baaqay in deg deg loo joojiyo dagaalka Laascaanood, islamarkaana aan la aqbali karin dhiigga shacabka Soomaaliyeed oo macno-darro ku daata.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in mushkiladda ka taagan Sool iyo Sanaag uu xalkeedu yahay mid siyaasadeed, islamarkaana uu ku dhex jiro siyaasadda guud ee lagu raadinayo midnimada Soomaaliya.

“In maanta rabitaanka dadka qori lagu xaliyo suurta-gal ah ma ahan, rabitaanka dadka ha la ixtiraamo, qoryaha hala dhigo xabadda ha la joojiyo, ha la wada hadlo, miiska wada-hadalka ha la isugu yimaado,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Shekeh.

Waxa uu odayaasha dhaqanka iyo culimaa’udiinka ugu baaqay inay nabadda ka taliyaan, ayna la hadlaan inta dagaaalka ku lugta leh, oo ay wiilasha qoryaha wata ka qaadaan.