26.8 C
Mogadishu
Thursday, June 4, 2026

Xog: Xasan Sheekh oo Shariif uga bedelanaya guurista Mirinaayo in…

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Odayaasha dhaqanka beelaha Mudulood ayaa kulan gaar ah la yeeshay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed, xilli ay socdaan dadaallo lagu dejinayo xiisadda ka dhalatay isku dhacyada u dhexeeya dowladda iyo mucaaradka.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, odayaashan oo dowladda uga socday ergo ahaan ayaa Sheekh Shariif u gudbiyay farriin la xiriirta sidii loo joojin lahaa colaadda ka dhalatay weerarkii lagu qaaday gurigiisa ku yaalla Mirinaayo.

Odayaasha ayaa u sheegay Madaxweynihii hore in dowladda ay diyaar u tahay inay joojiso tallaabooyinka militari ee ka dhanka ah gurigiisa, haddii dhinacyadu gaaraan is-afgarad lagu xakameynayo xaaladda amni ee taagan.

Waxay sidoo kale ka codsadeen Sheekh Shariif inuu ciidamadiisa ku amro xabbad-joojin, si looga hortago isku dhacyo horleh oo xaaladda sii murjin kara.

Wararka ayaa sheegaya in ergadu ay Sheekh Shariif ka codsatay inuu ka guuro guriga uu hadda ku sugan yahay ee Mirinaayo, isla markaana uu dib ugu laabto gurigiisa kale ee ku yaalla deegaanka KM4, dalabkaas oo sida muuqata uu soo jeediyay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Hase yeeshee, ilo xog-ogaal ah ayaa Caasimada Online u sheegay in Sheekh Shariif uu diiday dalabkaas, isaga oo ku adkeystay inuu sii joogo halka uu hadda deggan yahay.

Dadaalladan ayaa qeyb ka ah waanwaan ay saacadihii lasoo dhaafay wadeen odayaal dhaqameedyo iyo siyaasiyiin, kuwaas oo doonaya in la dejiyo xiisadda amni ee dib uga soo cusboonaatay caasimadda Muqdisho.

- Advertisement -

Read more

Local News