Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre ayaa galabta ka qeyb-galay munaasabadda qalin-jabinta Dufcaddii Koowaad ee heerka Master-ka ee Dacwadda iyo Garsoorka, kuwaas oo noqday ardaydii ugu horreysay ee ka qalin-jabisa Machadka Sare ee Arrimaha Dacwadda iyo Daraasaadka Islaamka.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa hambalyo u diray dhammaan ardayda qalin-jabisay, isagoo ku bogaadiyay dadaalka, kartida iyo dulqaadka ay ku gaareen heerkan sare ee waxbarashada, isla markaana ku boorriyay inay aqoontooda u adeegsadaan ilaalinta caddaaladda, ku dhaqanka sharciga iyo u adeegidda bulshada Soomaaliyeed si daacadnimo iyo hufnaan leh.
Mudane Xamza ayaa sheegay in dadka bartay culuumta Islaamka ay yihiin kuwa laf-dhabarta u ah ilaalinta caqiidada saxda ah iyo Sunnada Nabiga (NNKH), isla markaana ay door weyn ku leeyihiin hagidda bulshada.
“Aqoonyahanka bartay dacwadda waxa ay rajo u yihiin ummadda Islaamka ah, waxa ay albaab u furaan kuwa quustay, waxa ayna ilaaliyaan midnimada ummadda. Doorarkaas muhiimka ah ayay culimada Soomaaliyeed u taagan yihiin,” ayuu yiri ra’iisul wasaaraha.
Sidoo kale, ra’iisul wasaaraha ayaa sheegay in xukuumadda Dan-Qaran ay dejisay siyaasad qaran oo lagu nidaaminayo barashada culuumta shareecada, taas oo lagu salaynayo caqiidada saxda ah, isla markaana lagu mideeyay dugsiyada lagu barto cilmiga dacwadda.
Dhanka kale, ra’iisul wasaare Xamza ayaa bogaadiyay wada-hadallada u socda dowladda iyo saamileyda siyaasadda, isagoo sheegay inay muhiim u yihiin xasilloonida, horumarka qaranka iyo danaha shacabka Soomaaliyeed.
Ugu dambeyntiina wuxuu ugu baaqay dhammaan dhinacyada siyaasadda inay dowladda ku garab istaagaan dadaallada lagu ciribtirayo argagixisada iyo xoojinta midnimada qaranka, si loo xaqiijiyo nabad waarta iyo dowladnimo adag.




















