26.9 C
Mogadishu
Tuesday, July 21, 2026

New York Times: Mareykanka wuxuu qariyey khasaaraha askartiisa ee dagaalka Iran

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Washington (Caasimada Online) – Iran ayaa toddobaadkii hore saddex weerar oo aan hore loo shaacin ku qaaday ciidamada Mareykanka ee ku sugan dalka Jordan, ka hor weerarkii Jimcihii lagu dilay laba askari oo Mareykan ah, halka askari kalena weli la la’yahay.

Weerarradaas ayaa dhaawacyo gaarsiiyay tobanaan ka tirsan ciidamada Mareykanka, waxaana sidoo kale lagu waxyeelleeyay dhowr diyaaradood oo nooca qumaatiga u kaca ah, sida ay sheegeen saraakiil Mareykan ah oo ka gaabsaday in magacyadooda la xuso, sababo la xiriira xasaasiyadda howlgalka.

Wasaaradda Difaaca Mareykanka ayaan markii hore shaacin weerarradaas, khasaaraha ka dhashay iyo burburka gaaray qalabka milatari. Arrintan ayaa dhalisay su’aalo cusub oo ku saabsan heerka xogta ay dowladda Mareykanka la wadaagayso shacabka, xilli dagaalka Iran uu sii xoogeysanayo.

Afhayeenka ugu sarreeya Pentagon-ka, Sean Parnell, ayaa Isniintii sheegay in tirada ciidamada Mareykanka ee ku dhaawacmay weerarrada Iran tan iyo 7-dii July ay ku dhowdahay 100 askari.

Hase yeeshee, ma uusan bixin faahfaahin ku saabsan goobaha weerarradu ka dhaceen, tirada askarta ku dhaawacantay weerar kasta iyo nooca khasaaraha soo gaaray saldhigyada Mareykanka ee gobolka.

Dhacdadan ayaa mar kale muujisay khilaafka u dhexeeya baahida ciidamada Mareykanka u qabaan inay ilaaliyaan sirta iyo ammaanka howlgallada iyo waajibka dowladda ka saaran inay shacabka u sheegto sida dagaalka loo maamulayo iyo khasaaraha ka dhalanaya.

Taliska Dhexe ee Mareykanka, oo loo yaqaan CENTCOM, ayaa markii uu toddobaadkii hore shaacinayay duqeymo lagu qaaday goobo milatari oo ku yaalla Iran sheegay in howlgalladaasi ay jawaab u ahaayeen weerarro lagu qaaday maraakiib ganacsi oo marayay Marinka Hormuz.

Bayaannada taliska laguma xusin weerarrada ay Iran ku qaaday saldhigyada ciidamada Mareykanka ee Bariga Dhexe, oo ay ku jiraan kuwa ku yaalla Jordan.

Sarkaal ka tirsan ciidamada Mareykanka ayaa sheegay in Taliska Dhexe uusan waajib sharci ah ku lahayn inuu si degdeg ah u shaaciyo askarta dhaawacantay, gaar ahaan kuwa dhaawacyadoodu fudud yihiin ee muddo kooban gudaheed dib ugu laabta shaqada.

Sarkaal kale ayaa ku dooday in shaacinta faahfaahinta weerarrada ay Iran ka caawin karto inay qiimeyso saxnaanta gantaalladeeda iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, kadibna ay si ka waxtar badan u beegsato saldhigyada ay ku sugan yihiin kumannaanka askari ee Mareykanka.

Saraakiisha Mareykanka ayaa sidoo kale sheegay in Taliska Dhexe uu joojiyay inuu maalin kasta shaaciyo tirada goobaha laga duqeeyo gudaha Iran, iyadoo sabab looga dhigayo ilaalinta sirta howlgallada.

Sean Parnell ayaa beeniyay eedeymaha sheegaya in Pentagon-ku qariyay ama si khaldan u soo bandhigay khasaaraha ciidamada Mareykanka.

“Eedeymaha ah in xog la qariyay waa been-abuur loogu talagalay in lagu sii murug geliyo shacabka Mareykanka, kadib markii saddex askari lagu dilay iyagoo gudanaya waajibaadkooda,” ayuu ku yiri bayaan uu soo saaray Isniintii.

Waxa uu tilmaamay nidaamka Pentagon-ka ee lagu diiwaangeliyo khasaaraha ciidamada, kaas oo uu sheegay in si joogto ah loogu daro xogta askarta dhimatay iyo kuwa dhaawacantay.

Boggaasi wuxuu soo bandhigaa tirooyin guud, balse kuma jiraan faahfaahinta weerar kasta, goobta uu ka dhacay iyo tirada askarta ku dhaawacantay dhacdooyinka khasaaraha badan dhaliyay, sida weerarradii Jordan.

Parnell ayaa sheegay in inta badan askarta ku dhaawacantay tan iyo 7-dii July ay soo gaareen jug ama gariir fudud oo maskaxda ah, isla markaana 96 boqolkiiba ay dib ugu laabteen waajibaadkooda.

“Kala xulashada tirooyin aan lahayn faahfaahin iyo macnaha ay ku dhacday waxay soo bandhigaysaa sawir marin-habaabin ah oo aan dhameystirneyn,” ayuu yiri.

Pentagon-ka ayaa bixiyay macluumaad kooban oo ku saabsan istaraatiijiyadda milatari ee Mareykanka, tan iyo markii uu burburay heshiis xabbad-joojin oo jilicsanaa, kadib ku dhowaad shan bilood oo dagaal ah.

Shirkii ugu dambeeyay ee weynaa ee Pentagon-ku uga hadlay dagaalka ayaa dhacay horraantii May. Dowladda Madaxweyne Donald Trump ayaa sidoo kale lagu eedeeyay inaysan si buuxda u shaacin saameynta dagaalku ku yeeshay keydka Mareykanka ee hubka muhiimka ah ee qiimihiisu sarreeyo iyo awoodda Iran ay dib ugu dhistay gantaalladeeda.

Dhimashada labadii askari ee Mareykanka ahaa ee Jordan lagu dilay Jimcihii iyo askari kale oo lagu dilay waqooyiga Iraq ayaa tirada ciidamada Mareykanka ee dagaalkan ku dhintay gaarsiisay 17, tan iyo markii Mareykanka iyo Israel ay 28-kii February billaabeen weerarrada ka dhanka ah Iran.

Nidaamka Pentagon-ka ayaa dhigaya in magacyada askarta dhimatay la shaacin karo 24 saacadood kadib marka eheladooda si rasmi ah loo wargeliyo. Magacyada askarta dhaawacantay badanaa lama shaaciyo.

Taliska Dhexe ayaa Sabtidii sheegay in afar askari oo Mareykan ah oo ku dhaawacmay weerarkii Jimcaha loo qaaday isbitaallo ku yaalla Jordan, kadibna laga saaray. Waxa uu intaas ku daray in askar kale ay soo gaareen dhaawacyo fudud oo ay dib ugu laabteen shaqadooda, balse ma uusan sheegin tiradooda.

Bayaankaas sidoo kale laguma xusin askartii ku dhaawacantay saddexdii weerar ee ka horreeyay weerarkii dhimashada sababay.

Madaxweyne Trump ayaa sheegay in askartu ay ku dhinteen “iyagoo u adeegaya dalkooda”, wuxuuna ku celiyay in ujeeddada ugu weyn ee dagaalku tahay in Iran aan marnaba loo oggolaan inay yeelato hub nukliyeer ah.

Xogta bogga Pentagon-ka ayaa muujineysa in 427 askari oo Mareykan ah ay ku dhaawacmeen dagaalka Iran. Boggu wuxuu diiwaangeliyay 14 dhimasho oo ka dhalatay dhacdooyin dagaal iyo kuwo aan dagaal ahayn, balse tiradaasi weli laguma darin dhimashadii la shaaciyay dhammaadkii toddobaadka.

Parnell ayaa sheegay in tirada dhaawacyadu ay ku jiraan xaalado kala duwan, laga soo billaabo murgacasho fudud oo askar ku gaartay tababar caadi ah ilaa dhacdooyin aan xiriir toos ah la lahayn dagaalka.

Pentagon-ka ayaa xukuumadihii hore mararka qaarkood dib u dhigi jiray faahfaahinta dhaawacyada ilaa ehelada askarta laga wargeliyo. Hase yeeshee, xilligii maamulka Joe Biden, wasaaraddu waxay inta badan shaacin jirtay tirada askarta ku dhaawacantay weerarrada maleeshiyaadka Iran taageerto ay ku qaadaan saldhigyada Mareykanka ee Syria iyo Iraq.

Dagaalka socda ayaa sidoo kale sababay khasaaro ballaaran oo soo gaaray shacabka Iran, iyadoo qiyaasaha la heli karo ay sheegayaan in in ka badan 1,700 oo rayid Iranian ah ay ku dhinteen.

- Advertisement -

Read more

Local News