Washington (Caasimada Online) – Maamulka madaxweyne Donald Trump ayaa oggolaansho hordhac ah siiyay qorshe Sacuudi Carabiya loogu fasaxayo inay gudaha dalkeeda ku kobciso Yuraaniyamka, iyadoo heshiiska la diyaariyay aanu xambaarsaneyn dammaanado cad oo ka hortagaya in barnaamijkaasi mustaqbalka loo adeegsado sameynta hub nukliyeer ah, sida ay Jimcihii sheegtay CNN.
Nuqul qabyo ah oo heshiiska ah oo ay aragtay CNN ayaa muujinaya in dowladda Mareykanka ay taageertay barnaamijka nukliyeerka rayidka ah ee Riyadh, balse heshiiska uu weli sugayo saxiixa madaxweyne Trump, inkasta oo wada-hadallada Mareykanka iyo Sacuudiga la soo gabagabeeyay bishii October.
Saraakiil aan magacyadooda la shaacin oo warbixinta lagu xusay ayaa sheegay in dukumentiyada heshiiska, oo ay ku jiraan heshiiska khasabka ah ee loo yaqaanno “123 Agreement” iyo habraacyada ilaalinta nukliyeerka, aan weli loo gudbin Congress-ka Mareykanka.
Dib-u-dhacaas ayaa lagu xiriiriyay cabsi laga qabo in heshiisku la kulmo diidmo ka timaada xildhibaannada labada xisbi ee Jamhuuriga iyo Dimoqraadiga, kuwaas oo walaac ka qaba in Sacuudiga loo oggolaado kobcinta Yuraaniyamka iyada oo aan la dejin xaddidaado adag.
Lama oga muddada uu Trump sugayo ka hor inta aanu heshiiska saxiixin ama Congress-ka u gudbin. Arrintan ayaa sii adkaan karta haddii xisbiga Dimoqraadiga uu aqlabiyad ka helo Congress-ka doorashooyinka November, taas oo caqabad ku noqon karta hirgelinta ajandaha siyaasadeed ee madaxweynaha.
Kobcinta Yuraaniyamka
Dhaxal-sugaha Sacuudiga, Maxamed bin Salmaan, iyo la-taliyayaashiisa ayaa muddo dheer ku cadaadinayay Washington inay aqbasho heshiis u oggolaanaya boqortooyada inay gudaha dalka ku kobciso Yuraaniyamka.
Sacuudiga ayaa sheegay inuu haysto keyd badan oo Yuraaniyam ah, isla markaana uu doonayo inuu ka faa’iideysto kheyraadkaas si uu u horumariyo barnaamij nukliyeer oo rayid ah.
“Waan kobcin doonnaa, waan iibin doonnaa, waxaana sameyn doonnaa ‘yellowcake’,” ayuu sanadkii hore yiri wasiirka tamarta Sacuudiga, Amiir Cabdulcasiis bin Salmaan.
Yellowcake waa walax laga soo saaro Yuraaniyamka kadib marka macdanta la qodo, balse ka hor inta aan loo gudbin marxaladda kobcinta. Kobcinta Yuraaniyamka ayaa ah hab loo adeegsan karo soo saarista shidaalka xarumaha tamarta nukliyeerka, laakiin marka heer sare la gaarsiiyo waxaa sidoo kale loo isticmaali karaa sameynta hub nukliyeer ah.
Qoraalka heshiiska la diyaariyay ayaa bannaan u reebaya suurta-galnimada in Sacuudiga mustaqbalka kobciyo Yuraaniyamka.
Waxa uu sheegayaa in labada dal ay dejin doonaan “tallaabooyin dheeraad ah oo ilaalin iyo xaqiijin ah” oo lagu dabaqayo qaybaha ugu xasaasisan iskaashiga nukliyeerka, oo ay ka mid yihiin kobcinta Yuraaniyamka iyo dib-u-warshadeynta shidaalka nukliyeerka.
Hase yeeshee, heshiisku si cad uma mamnuucayo in Sacuudigu mustaqbalka yeesho awooddaas.
Dalladda nukliyeerka
Codsiga Sacuudiga ee ah in lagu daro dalladda difaaca nukliyeerka Mareykanka ayaa ka mid ahaa arrimaha muhiimka ah ee laga wada hadlay markii Maxamed bin Salmaan uu booqday Aqalka Cad bishii November ee sanadkii hore.
Sacuudiga ayaa sidoo kale heshiis difaac la saxiixday Pakistan, maalmo kadib markii Israa’iil ay weerartay xubno ka tirsan Xamaas oo wada-hadallo uga qeybgalayay Qatar.
Pakistan waa dalka keliya ee Muslim ah ee haysta hub nukliyeer, waxaana lagu qiyaasaa inay leedahay ku dhowaad 170 madax oo nukliyeer ah.
Sacuudiga iyo Pakistan ayaa sheegay in heshiiska difaac ee labada dal uu daboolayo dhammaan ikhtiyaarrada militari, inkasta oo aan si faahfaahsan loo shaacin waxa ay taasi ka dhigan tahay.
Wada-hadallada nukliyeerka ee Mareykanka iyo Sacuudiga ayaa si weyn loo qariyay. Hase yeeshee, sarkaal hore oo ka tirsanaa sirdoonka Mareykanka ayaa horay u sheegay in Washington ay faa’iido u arki karto inay Sacuudiga siiso dammaanad dhinaca amniga ah.
“Waxay ka saari lahayd dalladda nukliyeerka Pakistan, waxayna Sacuudiga ka dhigi lahayd inuu dareemo inuu ka ammaan badan yahay Qatar,” ayuu yiri sarkaalkaasi.
Bishii Febraayo, maamulka Trump ayaa Congress-ka ku wargeliyay inuu Sacuudiga kala shaqeynayo heshiis nukliyeer rayid ah oo aan ku jirin dhammaan shuruudaha ka hortagga faafitaanka hubka nukliyeerka ee Washington caadiyan ku xirto dalalka kale.
Walaaca Congress-ka
Sharciyada Mareykanka ayaa guud ahaan dhigaya in heshiiska “123 Agreement” uu dhaqan galo ka hor inta aan la oggolaan dhoofinta qalabka, teknoolojiyadda ama walxaha nukliyeerka ee Mareykanka laga leeyahay.
Heshiisyada noocan ah ayaa loogu talagalay in lagu hubiyo in iskaashiga nukliyeerka loo isticmaalo ujeeddooyin nabadeed, isla markaana aanu horseedin soo saarista hub nukliyeer ah.
Mareykanka ayaa tusaale ahaan heshiiskii uu la galay Imaaraadka Carabta ku xiray in Abu Dhabi aysan kobcin Yuraaniyamka ama dib-u-warshadeyn shidaalka nukliyeerka ee la isticmaalay.
Imaaraadka, Morocco iyo tobannaan dal oo Yurub iyo Aasiya ah ayaa Mareykanka la saxiixday heshiisyada loo yaqaanno 123 Agreements.
Xildhibaannada Mareykanka ayaa sidoo kale ku adkeystay in Sacuudiga lagu xiro heshiis kale oo loo yaqaanno “Additional Protocol”, kaas oo hay’adda tamarta nukliyeerka Qaramada Midoobay ee IAEA siinaya awood dheeraad ah oo ay ku baarto xarumaha nukliyeerka, xogta iyo goobaha aan hore loo shaacin.
Imaaraadka, oo ah dalka keliya ee Khaliijka ee si rasmi ah Mareykanka ula leh iskaashi tamarta nukliyeerka ah, ayaa sanadkii 2009 saxiixay habraacaas dheeraadka ah.
Reuters ayaa sheegtay in maamulka Trump uu bishii November warbixin hordhac ah u diray madaxda qaar ka mid ah guddiyada Congress-ka. Sharciga Mareykanka ayaa maamulka ku waajibinaya inuu warbixintaas gudbiyo haddii aanu qorsheyneynin in heshiiska lagu daro Additional Protocol.
Heshiis nukliyeer oo Sacuudiga loo oggolaado, isaga oo aan si cad uga mamnuuceyn kobcinta Yuraaniyamka, ayaa saameyn weyn ku yeelan kara isu-dheellitirka awoodda Bariga Dhexe. Waxaa la rumeysan yahay inuu gobolka wax badan ka beddeli karo marka loo eego heshiiska kale ee maamulka Trump uu ku doonayo inuu Riyadh kaga iibiyo diyaaradaha dagaalka casriga ah ee F-35.
Warbixinnada CNN iyo Reuters ayaa muujinaya in Trump uu heshiisyo ganacsi iyo iskaashi istaraatiiji ah udub-dhexaad uga dhigayo siyaasaddiisa dibadda, xitaa marka arrimahaasi ka hor imaanayaan walaacyada soo jireenka ah ee hay’adaha siyaasadda arrimaha dibadda Mareykanka ee ku saabsan faafitaanka hubka nukliyeerka.

