26.1 C
Mogadishu
Tuesday, July 21, 2026

Maxaa ka cusub dagaalkii ciidamada PSF ee taabacsan DF iyo kuwa Puntland?

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Boosaaso (Caasimada Online) – Dagaal culus oo galabnimadii maanta ilaa fiidkii caawa deegaanka Laag ee gobolka Bari ku dhexmaray ciidamada Daraawiishta Puntland iyo ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee PSF, ee taabacsan dowladda federaalka, ayaa istaagay, waxaana hadda degan xaaladda goobihii lagu dagaallamay.

Wararka laga helayo deegaanka Laag, oo ku yaalla koonfurta magaalada Boosaaso, ayaa sheegaya in labada dhinac ay joojiyeen rasaastii ay is-weydaarsanayeen, inkasta oo ciidamo ka kala tirsan labada dhinac ay weli ku sugan yihiin deegaannada ku dhow goobihii lagu dagaallamay.

Iska hor-imaadka ayaa billowday kadib markii ciidamada PSF oo ka baxay magaalada Boosaaso, kuna sii jeeday dhinaca degmada Xaafuun, lagu hakiyay buundo ku dhow deegaanka Laag.

Ciidamada Daraawiishta Puntland ayaa la sheegay inay PSF ka dalbadeen inay dib ugu laabtaan Boosaaso, isla markaana aysan sii wadan karin safarkooda iyaga oo aan fasax ka haysan taliska ciidamada Puntland.

Arrintaas ayaa dhalisay ismari-waa iyo hadallo kulul oo dhexmaray saraakiisha labada ciidan, kahor inta aysan xaaladdu isu beddelin iska hor-imaad hubeysan.

Rasaasta ay labada dhinac is-weydaarsadeen ayaa hakad gelisay isu socodkii gaadiidka ee waddada xiriirisa Boosaaso iyo deegaannada dhaca xeebaha gobolka Bari, waxaana dadka deegaanka soo wajahay cabsi iyo walaac xooggan.

Ilo deegaanka ku sugan ayaa sheegay in dagaalku uu socday si goos-goos ah laga soo billaabo galabnimadii ilaa fiidkii, iyadoo labada ciidan ay isku hor fadhiyeen goobo aan sidaas isugu fogeyn.

Ilaa hadda ma jiro war rasmi ah oo kasoo baxay maamulka Puntland ama taliska PSF oo lagu xaqiijinayo khasaaraha ka dhashay dagaalka. Wararka hordhaca ahna ma caddeynayaan inay jiraan dhimasho ama dhaawacyo soo gaaray ciidamada iyo dadka rayidka ah.

Wada-hadallo lagu joojiyay dagaalka

Saraakiil ka kala tirsan Taliska Daraawiishta Puntland iyo PSF ayaa intii ay xiisaddu socotay yeeshay wada-hadallo degdeg ah oo looga gol lahaa in lagu joojiyo dagaalka, lagana hortago inuu ku faafo deegaanno kale oo ka tirsan gobolka Bari.

Warar hore ayaa sheegay in wada-hadallada lagu gaaray is-afgarad dhigaya in ciidamadii PSF ay dib ugu laabtaan magaalada Boosaaso, si xaaladda loo dejiyo loona soo celiyo isu socodka gaadiidka.

Hase yeeshee, xiisadda ayaa markii dambe mar kale cirka isku shareertay, waxaana labada ciidan dhexmaray dagaal xooggan oo socday ilaa fiidkii, kahor inta aysan xabbad-joojin ka dhaqan-gelin goobihii lagu dagaallamay.

Xaaladda deegaanka Laag ayaa caawa deggan, waxaana dib u billowday dhaqdhaqaaqa gaadiidka qaarkood, inkasta oo dadka deegaanka ay weli ka walaacsan yihiin suurtagalnimada in xiisaddu mar kale soo laba-kacleyn karto.

Xiisadda u dhexeysa Puntland iyo PSF ayaa kusoo aadeysa xilli maamulka Puntland uu soo saaray amar dhigaya inaysan deegaannadiisa ka howlgeli karin ciidamo aan hoos imaan taliskiisa ama aan amar ka qaadan hay’adaha amniga maamulka.

Puntland ayaa ku eedeyneysa PSF inay xilligan xiriir toos ah la leedahay Dowladda Federaalka Soomaaliya, isla markaana ay ka baxday nidaamka taliska ciidamada maamulka.

Toddobaadyadii ugu dambeeyay waxaa gobollada Nugaal, Bari iyo Mudug laga soo sheegayay dhaqdhaqaaqyo ciidan iyo xiisado la xiriira ciidamo la sheegay inay daacad u yihiin Dowladda Federaalka Soomaaliya, kuwaas oo fariisimo ka sameysanayay qaybo ka mid ah deegaannada Puntland.

Maamulka Puntland ayaa ka digay in ciidamo aysan iyadu maamulin laga dhex abaabulo deegaannadeeda, halka Dowladda Federaalka Soomaaliya aysan si rasmi ah uga hadlin eedeymaha kasoo baxaya Puntland.

Dhanka kale, Taliyaha Qaybta 54-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka, Jimcaale Jaamac Takar, oo dhowaan dowladda federaalka u magacowday inuu hoggaamiyo ciidamada ku sugan deegaannada Puntland, ayaa gaaray taliska ciidankiisa oo ku yaalla duleedka magaalada Garoowe.

Wararka la helayo ayaa sheegaya in Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni iyo Taliye Jimcaale ay yeesheen wada-hadallo ku saabsan joogitaanka iyo dhaqdhaqaaqyada ciidamada uu hoggaamiyo, balse aan weli laga gaarin heshiis rasmi ah.

Khilaafka PSF iyo Puntland

PSF waa ciidan si gaar ah loogu tababaray hawlgallada la-dagaallanka argagixisada, sirdoonka iyo fulinta hawlgallada gaarka ah.

Ciidankan waxaa markii hore dhinacyada dhaqaalaha, tababarka iyo qalabka ka taageeri jiray hay’ado iyo shirkado amni oo xiriir la leh Mareykanka.

Hase yeeshee, kadib doorashadii madaxtinnimada Puntland ee 2019, oo uu ku guuleystay Saciid Cabdullaahi Deni, waxaa cirka isku shareeray khilaafka u dhexeeya madaxtooyada Puntland iyo hoggaanka PSF.

Ciidanka ayaa noqday laan aan si buuxda uga amar qaadan maamulka Madaxweyne Deni, waxaana dhinacyada marar kala duwan ku dhexmaray iska hor-imaadyo hubeysan oo ka dhacay Boosaaso iyo deegaanno kale oo ka tirsan gobolka Bari.

Dagaalka maanta ka dhacay deegaanka Laag ayaa muujinaya in khilaafkii hore u dhexeeyay Puntland iyo PSF uusan weli xal rasmi ah helin, isla markaana muranka ku saabsan cidda maamuleysa ciidamada ka howlgala deegaannada Puntland uu mar kale isu beddeli karo isku dhac hubeysan.

- Advertisement -

Read more

Local News