26.1 C
Mogadishu
Tuesday, July 21, 2026

Sanbaloolshe: Go’aanka kala go’a Soomaaliya wuxuu yaalla…

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Agaasimihii hore ee NISA ahna xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka, Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) ayaa sheegay in mustaqbalka midnimada ama kala go’a Soomaaliya uusan ku xirnayn aqoonsi ay bixiso hal dowlad.

Sanbaloolshe oo ka hadlay arrinta Somaliland ayaa sheegay in ka go’aan gaaristeeda uu ku xiran yahay wada-hadal u dhexeeya Muqdisho iyo Hargeysa, iyo sidoo kale mowqifyada ururrada gobolka iyo kuwa caalamiga ah.

Sanbaloolshe ayaa hadalkan ka jeediyay dood lagu qabtay barta X Space, halkaas oo uu kaga hadlay arrimaha la xiriira mustaqbalka Soomaaliya iyo doodaha ku saabsan aqoonsiga Somaliland, isagoo sheegay in go’aannada la xiriira arrintan aysan ku xirnayn hal dal oo keliya, balse ay saameyn ku leeyihiin hay’adaha iyo ururrada caalamiga ah.

Xildhibaanka ayaa xusay in suurtagalnimada aqoonsiga Somaliland ay si weyn ugu xiran tahay mowqifyada Midowga Afrika, Jaamacadda Carabta iyo Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay. Sida uu sheegay, hay’adahaasi ayaa leh kaalinta ugu weyn ee go’aaminta arrimaha la xiriira aqoonsiga dowladeed iyo isbeddellada waaweyn ee siyaasadeed.

Sanbaloolshe ayaa sheegay in haddii hal dal, sida Boqortooyada Midowday (UK) uu aqoonsado Somaliland aysan taasi kaligeed si weyn u beddeli doonin xaaladda siyaasadeed ee jirta. Wuxuu ku dooday in aqoonsi caalami ah aanu ku imaan karin tallaabooyin ay qaadaan dalal kooban oo keliya.

Isagoo dib u milicsanayay taariikhda, Sanbaloolshe ayaa xasuusiyay midowgii labada gobol ee Soomaaliya sanadkii 1960-kii ayaa sheegay in waqooyigu uu xilligaas si shuruud la’aan ah ula midoobay koonfurta, ujeeddaduna ay ahayd xaqiijinta himiladii Soomaaliweyn iyo mideynta dhulka Soomaaliyeed.

Waxa uu sidoo kale sheegay in, sida uu qabo, aan muran sharci laga gelin karin heshiiskii midowga ee xilligaas dhacay. Si kastaba, wuxuu tilmaamay in duruufaha siyaasadeed ee hadda jira ay fureen suurtagalnimada in dib looga wada hadlo xiriirka u dhexeeya Muqdisho iyo Hargeysa.

Sanbaloolshe ayaa carrabka ku adkeeyay in haddii la doonayo in la sii wada joogo ama la kala tago ay lagama maarmaan u tahay in labada dhinac ay arrinta ku gaaraan heshiis iyo is-afgarad. Wuxuu sheegay in xal waara oo la aqbali karo uu ku imaan karo oo keliya wada-hadal, is-qancin iyo is-ixtiraam u dhexeeya labada dhinac.

Hadalka Sanbaloolshe ayaa ku soo aadaya xilli ay meel sare mareyso xiisadda u dhaxeysa Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Somaliland, oo ku doodda inay tahay dal madax-bannaan. Xiisadda ayaa sii xoogeysatay kadib markii maamulka Somaliland uu xiriir la sameeyay Israa’iil, oo ayadu sheegtay inay aqoonsatay Somaliland.

- Advertisement -

Read more

Local News