Qatar oo dhaq-dhaqaaq siyaasadeed ka wada Xamar iyo Xasan Sheekh oo dhowaan…

Muqdisho (Caasimada Online) – Safiirka Qatar ee Soomaaliya ayaa muddooyinkii dambe Muqdisho ka waday dhaq-dhaqaaq siyaasadeed, isaga oo kulamo kala duwan la yeeshay madaxda sare ee dalka.

Safiirka Qatar Amb. Abdullah bin Salem Al Nuaimi ayaa shalay xarunta wasaaradda arrimaha dibadda ugu tagay Xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda Xamza Aadan Xaadoow, kaasi oo dhawaan uu soo magacaabay ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre.

Xoghayaha joogtada iyo safiirka ayaa ka wada-hadlay xoojinta xiriirka labada dal iyo kor u qaadidda iskaashiga ka dhaxeeya ee dhinacyada diblumaasiyadda, horumarinta iyo gargaarka.

Labada masuul ayaa sidoo kale isla soo qaaday booqashada madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu horraanta bisha Maarso ku tegi doono dalka Qatar.

Safiirka Qatar Amb. Abdullah bin Salem Al Nuaimi ayaa xoghayaha la wadaagay diyaar garowga ay dowladdiisu ugu jirto soo dhaweynta madaxweynaha iyo wafdigiisa.

Kulankan ayaa waxa labada masuul ku wehlinayay agaasimaha habmaamuuska qaranka Abukaate Xirsi Xaaji Culusow iyo agaasimaha waaxda Carabta wasaaradda arrimaha dibadda Mustaf Aadan Dagaal iyo sidoo kale saraakiil ka socotay safaaradda Qatar.

Dowladda Qatar ayaa ka mid ah dowladaha carbeed ee sida weyn u taageera Soomaaliya, waxaana lagu xasuustaa in mar ay aheyd dowladaha carbeed midda ugu dhow Soomaaliya sanadihii uu hoggaamiyey Farmaajo.