NISA oo sharci noqotay – Afar arrin oo uu ka dhigan yahay sharciga la meel-mariyey

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaanada Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa Isniintii ansixiyay Sharciga Hay’adda Nabad-Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA), kaasi oo ay horay usoo ansixiyeen Golaha Wasiirada.

Sharcigan oo ah mid muhiim ah ayey Golaha marsiiyeen illaa saddex akhrin oo ay uga doodayeen Sharcigaan oo noqonayo kii ugu horreeyey oo ay yeelato NISA.

Illaa 144 xildhibaan ayaa si aqlabiyad leh ugu codeeyay sharcigan, waxaana ka aamusay saddex xildhibaan, halka uu diiday hal mudane sida uu shaaciyay gudoonka golaha shacabka.

53 sano kadib maanta ayey NISA yeelatay sharci rasmi ah oo ay ku dhaqmeyso, kaasi oo lagula xisaabtami karo madaxdeeda, sidoo kalena la yaqaano awoodeeda.

Haddaba, waxaa warbixinteena ku eegayna afar arrimood oo muhiim ah oo la xiriira sharci noqoshada NISA, dhinaca kalana faa’iido u ah muwaadinka Soomaaliyeed.

1. Indho sharci iyo isla-xisaabtan: Hay’ad awoodaas leh oo sharci aan laheyn waxay halis ku tahay cid walba, siyaasi, shacab iyo xitaa nidaamka dowladnimada.

Qof walba wuxuu u bahaan yahay inuu ogaan karo waxa uu xaqa u leeyahay iyo waxa xaqa loogu leeyahay.

Maanta ka hor qofna indho sharci ah kuma eegi karin NISA, laakiin maanta waa naqdin kartaa waana u gar-dhigan karta.

2. Xuquuqda: Haddii aan sharci jirin xuquuqna ma jiri karto.

Xubnaha hay’addu maanta waa xaqlayaal laakiin shalay ma jirin.

3. Xabsiyadii gaarka ahaa: Laga yaabe naftaada ama qof ehelkaaga ah in NISA ku xiratay meel aadan ogeyn. Hadda sharcigan taasi waa xaarantimeeyay, waana faa’iido uu qof walba rabo inuu helo.

4. Berri iyo NISA: Xukunku waa mid wareegaya, maalinba cid ayaa xukumeysa NISA laakiin sharcigan wuxuu caawinaya wax walba oo la xiriira mustaqbalka xogtaada iyo amnigaaga.

Sidoo kale qof walba oo berri NISA xukumi doona wuxuu haysta nuqulkii isaga hagi lahaa, dalkana uu ku hagi lahaa.

Sharcigu maanta iyo berri-ba wuxuu ilaalinaya dalka, dadka iyo dowladnimada.

Agaasimaha NISA, Mahad Salaad oo siddeed billood xafiiska jooga ayaa ku dhiiraday in NISA ay sharci yeelato, waxaana ansixinta Golaha Shacabka kadib sharcigan loo gudbin doona Aqalka Sare oo maamul goboleedyada metela, si ay u fiiriyaan.