Dowladda oo go’aan culus kasoo saartay arrin kusoo badatay magaalada Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha ciidanka Booliska qeybta guud ee gobolka Banaadir oo ka qeyb-galay kulan looga hadlayay wax ka qabashada askarta dilalka u geysata shacabka, ayaa markii u horeysay shaaciyay go’aan cusub oo la xiriira arrintaan kusoo badatay magaalada Muqdisho.

Taliye Mahdi Cumar ayaa waxa uu sheegay in hadda kadib askarigii qof shacab ah dila ee baxsada loo maxkamadeyn doono askarta goobta la joogtay.

“Bulshada waxaa la idin diray ilaalintooda, amnigooda, naftooda, maalkooda iyo sharaftooda. Askari kasta oo idinka mid ah waxaa la idinka rabaa in uu ka shaqeeyo badqabka shacabka,” ayuu yiri.

“Haddii qalad uu dhaco yeysan dhicin askarigii waa baxsaday. Askarigii goob ciidan jooga inta uu qof ku dila fakada waxaa loo xiraa askartii la joogta. Qofka u horeeya ee la rabo in uu qabto waa askariga la jooga.”

Sidoo kale waxa uu sheegay in go’aankan uu ku saleeysan yahay xal u helida arrintaan oo soo badatay muddooyinkii dambe, ayada oo hore u dhacday in askar dilal geysta ay iskaga tagaan goobta ay wax ka geystaan ama laga fakinayo cadaalada.

“Waxaa ugu dambeysay oo isgoyska Korontada ka dhacday ciidan ka tirsan hay’addaha amniga oo shaqadooda gudanaya ayaa askari xabad ku dhuftay markaas ayuu iska tagay. Qof shacab ah ayaa Howl-wadaag xabad lagu dhuftay oo markaas ayaa la yiri askarigii waa baxsaday, musuq iyo in la qarsho.”

Maxkamadaha dalka ayuu ka codsaday in arrintaan dhaqan-galiyaan, haddii ay dhacdo in askari dil geysta uu baxsado, islamarkaana masuuliyad wadareed lagu xakumo askarta la joogtay dambiilaha.

“Haddii ay dhacdo in qof muwaadina la dilay oo waa baxsaday la yiraahdo in inta ay ahaayeen maxkamada la geeyo oo aysan dhicin dambiile ayaa baxsaday. Idinkama saareyso dambiile ayaa baxsaday dambe qofkii qof dila askariga la jooga ayaa la raba in uu soo qabto.”

Inta badan ciidamada dowladda ayaa dilal ka geysta gudaha caasimada, kuwaasi oo aad u kordhay muddooyinkii dambe, taasi oo walaac ku abuurtay dadka rayidka ah.

Dhibaatada sii xoogeysaneysa ee shacabku kala kulmayaan askarta dowladda ayaa sidoo kale waxay dhaawac ku tahay hadafka ugu weyn ee madaxweyne Xasan Sheekh, kaasi oo ah in laga adkaado Al-Shabaab iyada oo garab laga helayo shacabka Soomaaliyeed.