25 C
Mogadishu
Tuesday, January 20, 2026

C/rashiid Cawl oo shaaciyay magaca cusub ee maamulka SSC, xilli aan la isku raacin

Bookmark
Bookmarked

Share

Laascaanood (Caasimada Online) – Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Puntland oo kulamo ka wada magaalada Laascaanood ayaa magaca cusub ee maamulka SSC-Khaatumo ku sheegay “Maamulka Goboleedka Gobollada Waqooyi Bari”.

Xildhibaan Cabdirashiid Cawl oo xiriir dhow la leh Villa Somalia oo wada dhismaha maamulkan ayaa maalmihii lasoo dhaafay dhaq-dhaqaaqyo ciidan ka waday qeybo kamid ah gobolka Sanaag, isagoo ugu dambeyn saldhigtay Laascaanood. Magaaladan ayaa la filayaa in maalinta berri ah uu ka furmo shirka aayo-ka-tashiga maamulka.

Inkasta oo aan weli la isku raacin magaca rasmiga ah ee maamulka SSC, haddana miiska ayaa waxaa saaran ilaa afar magac oo kale, kuwaasoo kala ah: Midnimo State, SSC-Maakhir, SSC-Khaatumo, iyo Sool & Sanaag State.

Ilo ka tirsan ergooyinka shirka oo aanu la hadalnay ayaa inoo xaqiijiyay in aan weli la gaarin heshiis rasmi ah oo ku saabsan magaca maamulka. Waxaa sidoo kale muuqata in Cabdirashiid uu ka mid yahay siyaasiyiinta u ololeynaya in la qaato magaca “Waqooyi Bari”.

Shirka dhameystirka dowlad-goboleedka SSC-Khaatumo oo la filayay in shalay uu ka furmo magaalada Laascaanood ayaa dib u dhacay, waxaana hadda la qorsheynayaa in la qabto maalinta Sabtida ah.

Dib u dhaca shirka ayaa salka ku haya khilaaf siyaasadeed oo ka dhex taagan hoggaanka SSC-Khaatumo iyo musharraxiinta mucaaradka, sida ay sheegayaan ilo wareedyo ku sugan Laascaanood.

Isimada dhaqanka ayaa dadaal xooggan ku bixinaya sidii loo xallin lahaa tabashada musharraxiinta mucaaradka, si shirweynaha aayo-ka-tashiga uu si rasmi ah u qabsoomo.

- Advertisement -

Read more

Local News