28.2 C
Mogadishu
Wednesday, April 29, 2026

Cabdicasiis Lafta-gareen oo qorsheynaya in uu dib ugu laabto K/Galbeed – Sidee?

Bookmark
Bookmarked

Share

Nairobi (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee maamul-goboleedka Koonfur Galbed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen) iyo xulafadiisa siyaasadeed oo haatan dhaq-dhaqaaq ka wada magaalada Nairobi ayaa qorsheynaya in dib loo soo celinayo maamulkii hore ee ay dowladda Soomaaliya ka saartay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

Ugaas Xasan Cabdi Maxamed oo ah afhayeenka Lafta-gareeno ayaa shaaca ka qaaday in bil kadib dib u doorashadii Cabdicasiis ay ka shaqeynayaan, soo celinta maamulkii sharciga ahaa, si loo helo nidaam iyo kala dambeyn dowladeed.

Shacabka ayuu wargeliyay in maamulkii hore soo noqonayo, ayna ujeedada tahay in dib loo soo nooleeyo nidaamkii sharciyadda ku dhisnaa, sida uu hadalka u dhigay.

“Si kastaba ha ahaatee, shacabka reer Koonfur Galbeed waa inay ogaadaan in ay socdaan qorshayaal dib loogu soo celinayo hoggaankii sida sharciga iyo dastuurka waafaqsan lagu doortay. Ujeeddadu waa in dib loo soo nooleeyo nidaamkii sharciyadda ku dhisnaa, loona xaqiijiyo in rabitaanka shacabka uu noqdo saldhigga maamulka”. ayuu yiri Ugaas Xasan Cabdi Maxamed.

Sidoo kale, wuxuu intaas ku daray “Maalintani ma aha oo keliya xusuus taariikheed, balse sidoo kale waa fursad muhiim ah oo shacabka Koonfur Galbeed dib ugu xasuusanayaan qiimaha ay leedahay in ay si madax-bannaan u maamulaan aayahooda siyaasadeed, una ilaashadaan xuquuqdooda dastuuriga ah”.

Hoos ka akhriso qoraalka oo dhammaystiran;-

28-ka Abriil: Xusuusta Bil ka Dib-u-Doorashadii Madaxweyne Laftagareen iyo Muhiimadda Dowladnimada Koonfur Galbeed.

Maanta oo ay taariikhdu ku beegan tahay 28-da Abriil, waxay xusuus gaar ah u leedahay Shacabka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya, maadaama ay tahay maalintii dib loo doortay Madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen). Waa maalin dib loogu milicsanayo guulihii la gaaray iyo horumarka maamulkaasi ka sameeyay dhinacyada amniga, xasilloonida siyaasadeed, iyo adeegyada bulshada.

Hase yeeshee, nasiib darro, Koonfur Galbeed waxay wajahday faragelin toos ah oo kaga timid dowladda federaalka, taas oo loo adeegsaday awood ciidan iyo cadaadis siyaasadeed, isla markaana sababtay burbur ku yimid hay’adihii dastuuriga ahaa ee dowlad goboleedka. Tallaabooyinkaas waxay dhaawaceen madax-bannaanidii maamulka iyo hanaankii sharci ee lagu dhisay dowladnimada Koonfur Galbeed, isla markaana wiiqay jiritaankii nidaamka federaalka.

Si kastaba ha ahaatee, shacabka reer Koonfur Galbeed waa inay ogaadaan in ay socdaan qorshayaal dib loogu soo celinayo hoggaankii sida sharciga iyo dastuurka waafaqsan lagu doortay. Ujeeddadu waa in dib loo soo nooleeyo nidaamkii sharciyadda ku dhisnaa, loona xaqiijiyo in rabitaanka shacabka uu noqdo saldhigga maamulka.

Maalintani ma aha oo keliya xusuus taariikheed, balse sidoo kale waa fursad muhiim ah oo shacabka Koonfur Galbeed dib ugu xasuusanayaan qiimaha ay leedahay in ay si madax-bannaan u maamulaan aayahooda siyaasadeed, una ilaashadaan xuquuqdooda dastuuriga ah.

- Advertisement -

Read more

Local News