28.2 C
Mogadishu
Wednesday, April 29, 2026

FBI-da oo weeraray 22 xarun oo ay leeyihiin Soomaalida

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Minneapolis (Caasimada Online) – Waaxda Caddaaladda Mareykanka ayaa Talaadadii shaacisay in laamaha fulinta sharciga ee heer federaal ay hawlgallo baaritaan ah ku qaadeen in ka badan 20 xarumo ganacsi oo ku yaalla magaalada Minneapolis, kuwaas oo intooda badan ay leeyihiin jaaliyadda Soomaalida ee dalkaas.

Tallaabadan ayaa qayb ka ah baaritaan ballaaran oo la xiriira eedeymo ku aaddan lunsasho iyo adeegsi khaldan oo lagu sameeyay dhaqaale ay bixiso dowladda federaalka oo loogu talo-galay bulshada

Sida uu xaqiijiyay sarkaal ka tirsan Waaxda Caddaaladda oo magaciisa qariyay—maadaama uusan fasax u haysan inuu bixiyo xogta baaritaannada socda—ciidamada ayaa saacadihii hore ee Talaadada fuliyay 22 waaran oo oggolaansho baaritaan ah oo ka soo baxay maxkamadda. Sarkaalkan ayaa si cad u xusay in hawlgalkani uusan gabi ahaanba shaqo ku lahayn arrimaha socdaalka ama tarxiilka dadka.

Afhayeen u hadlay Waaxda Caddaaladda ayaa bayaan uu soo saaray ku yiri: “Maanta, Hay’adda Dambi-baarista ee FBI-da, iyadoo kaashanaysa laamaha amniga ee heer federaal, heer gobol iyo kuwa deegaanka, waxay waddaa dhaqdhaqaaqyo sharci fulin ah oo ay maxkamaddu fasaxday, waana qayb ka mid ah baaritaan socda oo la xiriira khayaano maaliyadeed.”

Dhanka kale, Afhayeen u hadlay Xeer-ilaaliyaha Guud ee gobolka Minnesota, Keith Ellison oo ka tirsan xisbiga Dimoqraadiga, ayaa sheegay in xafiiskoodu uu ka qayb-qaatay fulinta shan ka mid ah waraaqaha baaritaanka.

Hawlgalladan ayaa lala beegsaday xarumo taageera carruurta qaba xanuunka Otisamka (Autism), kuwaas oo dhaqaale ka hela barnaamijka daryeelka caafimaadka ee Medicaid. Wuxuu intaas ku daray in baaritaanno dheeraad ah lagu sameeyay xarumaha xannaanada carruurta iyo xarumo kale oo adeeg bixiya.

Eedeymaha sheegaya in in ka badan toban barnaamij oo ah kuwa daryeelka bulshada ee Minnesota—oo ay ku jiraan xannaanada carruurta iyo adeegyada guriyeynta—ay si khaldan u isticmaaleen dhaqaalihii federaalka, ayaa bilihii la soo dhaafay gilgilay magaalada.

Arrintan ayaa keentay in maamulka Madaxweyne Trump uu dabayaaqadii sanadkii hore qaado hawlgal adag oo loogu magac daray ‘Operation Metro Surge’. Hawlgalkaas ayaa sababay dibadbaxyo baaxad leh, waxaana ku dhintay laba qof oo ka tirsanaa dibad-baxayaasha, iyadoo sidoo kalena la xiray in ka badan 4,000 oo qof.

Bishii Janaayo ee la soo dhaafay, Guddoomiyaha gobolka Minnesota, Tim Walz oo isna ka tirsan xisbiga Dimoqraadiga, ayaa ku dhawaaqay in uusan u tartami doonin muddo-xileed saddexaad. Go’aankan ayaa yimid kaddib markii xubno ka tirsan xisbigiisa ay muujiyeen walaac xooggan oo ku aaddan in qaabka uu ula tacaalay kiisaskan wax is-dabamarinta ay hoos u dhigi karto rajadiisa dib-u-doorashada.

Maadaama in badan oo ka mid ah ganacsiyada lagu eedeeyay lunsashada hantidan ay xiriir la leeyihiin jaaliyadda Soomaalida, Madaxweyne Donald Trump iyo siyaasiyiinta kale ee muxaafidka ah ayaa eedeymahan u adeegsaday marmarsiinyo ay ku dhaliilaan bulshadan soo-galootiga ah.

Kulankii golihiisa wasiirrada ee sanadkii hore, Trump ayaa fagaare ka sheegay inuusan doonayn in muhaajiriin Soomaali ah ay dalka ku noolaadaan, isagoo xilligaas ku sifeeyay inay yihiin “qashin.”

Xildhibaan Tom Emmer, oo ah madaxa abaabulka aqlabiyadda xisbiga Jamhuuriga u qaabilsan Koongareeska, lagana soo doorto gobolka Minnesota, ayaa war-saxaafadeed uu soo saaray Talaadadii ugu mahadceliyay dowladda federaalka sida ay “tallaabo uga qaaday khiyaanoolayaasha Soomaalida ah.”

“Madaxweyne Trump iyo maamulkiisu waxay si cad u sheegeen — dalkeenu uma dulqaadan doono khasaarin, khiyaano iyo ku xad-gudbid, mana oggolaan doonno in dadku ay ka faa’iideystaan deeqsinimada dadka Mareykanka,” ayuu yiri Xildhibaan Emmer.

Ugu dambeyn, Madaxweyne Ku-xigeenka Mareykanka JD Vance ayaa qoraal uu soo dhigay barta xiriirka bulshada ee X wuxuu ku sheegay in Waaxda Caddaaladdu ay “si aan kala joogsi lahayn u soo bandhigi doonto khiyaanoolayaashan meel kasta oo ay ku dhuumanayaan.”

- Advertisement -

Read more

Local News