28.2 C
Mogadishu
Wednesday, April 29, 2026

Mucaardka oo si adag uga falceliyey khudbaddii Xasan Sheekh u jeediyay odayaasha

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Xubnaha siyaasiyiinta mucaaradka ah ee dhaq-dhaqaaqyada ka wada magaalada Muqdisho ayaa si adag uga fal-celiyay khudbaddii uu habeenkii Talaadada madaxweyne Xasan Sheekh u jeediyay odayaasha dhaqanka ee uu casho sharafta ugu sameeyay xarunta Villa Somalia.

Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ah mudane ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in khudbadda madaxweynaha ay ahayd mid isku dhex yaacsan, isla markaana aan isku xirneyn ayna ka muuqatay kalsooni darro wayn, sida uu hadalka u dhigay.

“Khudbadda Madaxweynuhu waa in ay yeelato nuxur, ujeeddo, iskuxirnaan iyo bartilmaameed ay ku socoto. Waa in ay tixgelisaa dareenka shacabka, dejiso bulshada, dhisto kalsoonida iyo midnimada ummadda, kana fogtahay kalaqaybin, gooddis iyo xasarad abuur. Hase yeeshee, khudbaddii uu xalay Madaxweynuhu ujeediyey odayaasha dhaqanka, waxay ahayd mid iskudhex-yaacsan, kana maran haybad madaxtinnimo. Wuxuu madax-dhaqameedkii kala dul dhacay welwelka iyo walaaca uu ka qabo muddo-xileedkiisa dhammaadka ah”. ayuu qoraalkiisa ku yiri Xildhibaanku.

Sidoo kale wuxuu kusii daray “Gar hal dhinac ah, xog aan sax ahayn, khalkhal iyo hadallo is wada burinaya ayey u badnayd. Waxa ka muuqatay kalsooni dari iyo tixgelin la’aan dareenka odayaasha hortiisa fadhiya iyo si guud shacabka Soomaaliyeed”.

Warsame oo hadalkiisa sii wata ayaa shaaca ka qaaday in khudbadda madaxweyne Xasan Sheekh ay sidoo kale ahayd mid aan u qalmin xilka uu hayo, isla markaana aan ka tarjumeyn xaaladda adag ee uu dalka ku jiro.

“Waxay ahayd khudbad gole-ka-fuul ah oo xilka iyo xafiiska uu hayo u qalmin, kana fog xilliga adag iyo xaaladda kalaguurka ah ee uu dalku marayo. Runtii waxaan daawannay haybaddii dawladnimada oo horteenna lagu jiidayo” ayuu mar kale yiri siyaasiga caanka ah Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyadoo Xasan Sheekh oo isna gar-naqsaday uu ku dooday inuu fursad siiyay xubnaha mucaaradka ee kasoo horjeedo, isla markaana uusan dooneyn in dalka lagu sii hayo halkiisa iyo doorasho dadban.

“Saaxiibkey Farmaajo xilligiisii hal maalin intuu noo yeeray, inteenii baagamuudada ahayn, maxay idinla tahay nama dhihin? anigu waddadaas Farmaajo ee aan cidna lala tashanaynin waxaan go’aansaday inaan ka leexdo, dadka nooc kasta waan kala tashaday doorashada”. ayuu yiri Xasan Sheekh.

Waxaa kale oo uu ku adkeystay in dalka laga qabanayo doorasho qof iyo cod ah, ayna fursad siinayaan shacabka, si ay doorashada qayb uga noqdaan.

Soomaaliya ayaa haatan ku jirta marxalad xasaasi ah, waxaana la’isku hayaa nooca doorasho ee ka dhaceysa dalka, taas khilaaf ay ka dhex dhalisay Villa Soomaaliya, mucaaradka iyo qaar kamid ah dowlad-goboleedka ka jira dalka.

- Advertisement -

Read more

Local News