31 C
Mogadishu
Wednesday, April 29, 2026

Wasiir Al-Cadaala oo 5 qodob kasoo saaray xaaladda Koonfur Galbeed

By Cabdiraxmaan Al-Cadaala
Bookmark
Bookmarked

Share

Koonfur Galbeed, Albaabka Iftiinka Dimuqraadiyadda.

Koofur Galbeed, waxaa ka socda hardan dimuquraadi ah oo aad u xoog badan, kaas oo ay ku baratamayaan dhamaan daneeyayaasha Doorashooyinka isku sidkan.

Waxaa jooga Siyaasiyiin iska soo horjeeda, waxaa jooga dhamaan Ururada Siyaasadeed ee diiwaan gashan, waxaa jooga taageerayaal ka kala yimid Soomaaliya oo dhan oo kala taageeraya tartamayaasha.

Qof iyo koox kasta si aan cabsi lahayn ayuu u ololaynayaa, una taageerayaa cidda uu doono.

Baydhabo, Hoteellada iyo Xaafadaha waa mashquul, waxaana meel kasta ka socda shirar iyo abaabul iska soo horjeeda oo nabad ah.

Rajo cadaaladeed, sinaan iyo xorriyad ayay dareemayaan dhinacyada oo dhan.

Majirto koox Siyaasadeed oo afkaar iyo aragti ay qabto uga maqan Baydhabo ama xitaa aan qayb ka ahayn hardanka Siyaasiga ah ee socda.

Qaar badan oo ka mid ah Siyaasiyiinta isku kooxaha ah ama kala kooxaha ah ee Baydhabo wada jooga wax ka yar Labo bilood ka hor qoryo ayay isku siteen, ismana salaamaynin haddii ay iska soo hor baxaan, balse maanta si nabad ah, xorna ah ayay kuraasta ugu tartamayaan.

Dhacdooyinka Koonfur Galbeed, waxeey dirayaan dhawr fariimood.

1- Waxa ay si cad u muujinayaan nooca Doorasho ee muddo dheer Dawladdu ay Dadka Soomaaliyeed u balanqaadaysay.

2-Waxa ay beeninayaan doodihii kuwa mucaaradsan Dawladda ee isku dayayay in ay marin habaabiyaan bulshada, Dawladana sumcad xumeeyaan.

3- Waxa ay rajo iyo yididiilo galinayaan dhamaan Shacabka Soomaaliyeed ee dib u helaya xuquuqdooda ah in ay iyagu go’aamiyaan mustaqbalkooda.

4- Waxa ay fursad iyo rajo siinayaan dhamaan Siyaasiyiinta danaynaya in ay kartidooda ku tartamaan, si ay talada Dalka uga qayb galaan.

5- Waxa ay cuqdada iyo cabsida ka saarayaan Dadka isku deegaanka ah, balse kala aragtida ah, kuwaaas oo horay ugu soo joogay in aragtidooda darteed loo xiray ama loo xannibay.

FG: Sawirada ku lifaaqan halkaan hoose, waxaa ka muuqda qaar ka mid ah Musharaxiinta Xilka Hogaamiyaha Koofurgalbeed, kuwaas oo ah L”labeenta deegaanka, waxaa kale oo ka muuqda hogaamiyayaasha iyo taageerayaasha Ururada Siyaasadeed ee diiwanagashan, kuwaas oo kala taageeraya Musharaxiinta tartamaya.

Dalkeenna rajo iyo iftiin ayaa ka hor muuqda, Amniga ayaa soo hagaagaya, Dhaqaalaha ayaa dhismaya, Sumcadda Dawladda ayaa sare u kacaysa, talada ayaa Shacabka u dhawaanaysa.

Waxaan muddanahay dhamaanteen in aan horay u socono, Alle ku tiirsano, cabsida yarayno, kalsoonina ku hawlgalno – Alle ayaa leh mahad oo dhan.

Waxaa qoray, Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska JFS Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Cumar (Al-Cadaala).

- Advertisement -

Read more

Local News