Muqdisho (Caasimada Onlin) – Macluumaad dheeri ah ayaa haatan kasoo kordhay markab nooca xamuulka qaada oo Axaddii lagu afduubtay xeebaha Soomaaliya, kaas oo ay la socdeen illaa 16 shaqaale ah.
Markabka oo lagu magacaabo Sword, oo wata calanka dalka Saint Kitts and Nevis, ayaa weli gacanta ugu jira burcadbadeedda oo la wareegay qolka hagista iyo matoorrada markabka.
Warar hadda soo dhacay ayaa sheegaya in ay bilowdeen dadaallo dheeraad ah oo la doonayo in lagu soo badbaadiyo shaqaalaha saaran markabka oo u dhashay Suuriya.
Sidoo kale, Ururka badmaaxiinta Suuriya oo ka hadlay weerarka ayaa sheegay in xiriir lala sameeyay milkiilayaasha markabka, ayna xaqiijiyeen in shaqaalaha saaran markabka ay bad qabaan, isla markaana wada-hadallada socda ay marayaan meel wanaagsan.
Waa afduubkii labaad oo maalmo gudahood ah ka dhacaya biyaha Soomaaliya, waxaana dhawaan sidaan oo kale loo afduubay markab qaada shidaalka oo ay saarnaayeen 17 qof oo shaqaale ah.
Markabkaas oo lagu magacaabo Honour 25, ayaa waxaa gacan-ku-hayntiisa la wareegay lix nin oo hubeysan goor dambe oo Arbacadii ah, xilligaas oo uu qiyaastii 30 mayl-badeed u jiray xeebta.
Qiyaastii ilaa 3 sano ka hor, falalka burcad-badeednimada ayaa u muuqday kuwo gabi ahaanba ka ciribtirmay biyaha Badweynta Hindiya oo horay ugu caan baxay afduubka, balse dib ayay arrintaas u soo laabatay iyadoo inta badan la beegsanayo doonyaha kalluumeysiga iyo maraakiibta xamuulka.

