25.3 C
Mogadishu
Tuesday, January 20, 2026

Faah-faahinta qarax ka dhacay duleedka Muqdisho

Bookmark
Bookmarked

Share

Afgooye (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa laga helayaa qarax miino oo saaka ka dhacay xero ciidan oo ku taalla degmada Afgooye oo qiyaastii illaa 30 KM u jirta magaalada caasimada ah ee Muqdisho.

Qaraxa miino oo ka dhacay gudaha xerada guutada 7-aad ayaa waxaa ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, iyadoo wararka la helayo ay sheegayaan in qarax uu ku geeriyooday Dhame Maxamuud Saleebaan Salaad, oo ahaa abaanduulaha ururka 64aad.

Sidoo kale, laba askari oo ka tirsanaa ilaalada gaarka ah ee sarkaalkan ayaa la sheegay in ay waxyeello kasoo gaartay qaraxaasi.

Weli si rasmi ah looma oga in qaraxa uu ahaa mid gudaha loo geliyay xerada iyo in kale, waxaana socda baaritaanno ay wadaan ciidamadu, iyadoo ay saldhigga booqdeen saraakiil sare oo ka tirsan ciidanka.

Maamulka degmada Afgooye iyo taliska ciidanka milateriga Soomaaliya weli kama aysan hadlin dhacdadaan.

Degmada Afgooye ayaa waxaa mararka qaar ka dhaca dilal iyo qaraxyo la mid ah kan maanta, kuwaas oo khasaaro u geysta dad rayid ah iyo ciidamada dowladda.

Dilalka iyo qaraxyada noocaan ah ayaa waxaa lagu eedeeya inay ka dambeeyeen maleeshiyaadka kooxda Al-Shabaab oo inta badan weeraro ka fuliya Afgooye.

- Advertisement -

Read more

Local News