Boosaaso (Caasimada Online) – Mareykanka ayaa xalay sahay iyo raashin dhinaca cirka uga soo daadiyay ciidamada difaaca Puntland ee ku sugan buuraha Calmiskaad, kuwaas oo dagaal adag kula jira maleeshiyaadka Daacish.
Waxaa adkaaday isku socodka askarta, kadib markii ay Daacish marar sii horreysay qaraxyo la beegsatay gawaari ciidan, taasoo sababay dhimashada iyo dhaawaca tobannaan askari iyo weerarro jidgooyo ah oo hakiyay isu socodka tuulooyinka.
“Dowladda Puntland waxay caawa xagga cirka raashin iyo agab ku gaarsiisay ciidanka hawl-galka ciribtirka argagixisada ee Puntland ee ku sugan buuralayda Calmiskaad, iyadoo arrintaasi ay fududeeyeen saaxiibada dowladda Puntland ee Maraykanka,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay howl-galka Calmiskaad.
Qoraalka ayaa sidoo kale iftiimiyay doorka Mareykanka ee ku aaddan dagaalka ka socda halkaas, iyadoo la xusay in Mareykanku uu todobaadkan fuliyay duqeymo lala beegsaday goobo ay ku dhuumanayeen firxadka Daacish, si loo xoojiyo howl-galka socda.
Duqeymahan ayaa waxaa si gaar ah loogu beegsaday saraakiil sar-sare oo uu ku jiro ku-xigeenka Amiirka guud ee Daacish, kaasi oo ku dhuumaaleysanayay buuraleyda Calmiskaad, sida uu sheegay maamulka Puntland.
Howl-galkaas ayaa qeyb ka ahaa wajigii ugu dambeeyay ee gulufka Daacish, iyadoo Puntland ay sheegtay in iskaashiga ay la leedahay ciidamada Mareykanka uu yahay mid miro-dhal ah, oo laga gaaray guulo dhanka dagaalka ah.
Si kastaba, howl-galladan wadajirka ah ayaa muujinaya kordhinta duqeymaha iskaashi ee Mareykanka uu ka wado gudaha dalka, kuwaas oo muhiim u ah dagaalka lagula jiro kooxaha argagixisada.



