Jabuuti (Caasimada Online) – Urur-Goboleedka IGAD oo bayaan soo saaray ayaa mar kale taageero buuxda u muujiyay madax-bannaanida, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, isaga oo si adag u cambaareeyay tallaabooyinkii ugu dambeeyay ee ay qaadeen Somaliland iyo Israa’iil.
Bayaanka ayaa lagu xusay in wararka ku saabsan furitaanka safaarad ay Somaliland ku yeelato Qudus ay walaac ku abuureen ururka, isla markaana ay ka xun yihiin.
“IGAD waxay ogaatay warar ku saabsan furitaanka safaarad ay sheegtay in Gobollada Waqooyi ay ku leeyihiin Quddus, waxayna mar kale adkaysay mowqifkeeda muddo dheer soo jiray ee ah in midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya si buuxda loo ixtiraamo” ayaa lagu yiri qoraal uu soo saaray Xoghaynta Ururka Goboleedka IGAD.
Sidoo kale, IGAD ayaa ku baaqday in la ixtiraamo midnimada Soomaaliya, iyadoo ka digtay tallaabo kasta oo keeni karta xiisado horleh oo wiiqi karta nabadda, xasilloonida iyo iskaashiga gobolka.
Tallaabadan ayaa timid kadib markii hoggaamiyaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi Cirro, uu magaalada Qudus kula kulmay Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu, islamarkaana uu si rasmi ah xarigga uga jaray waxa maamulkaas ku sheegay “safaarad”.
Qudus ayaa ka mid ah arrimaha ugu xasaasisan ee khilaafka Falastiin iyo Israa’iil. Israa’iil waxay magaalada oo dhan u aragtaa caasimaddeeda, halka Falastiiniyiintu ay Qudus Bari u doonayaan caasimadda dowlad Falastiin oo mustaqbalka dhisanta.
Inta badan dalalka caalamka waxay safaaradahooda ku leeyihiin Tel Aviv, iyagoo ka fogaanaya tallaabo loo fasiran karo in ay taageerayaan sheegashada Israa’iil ee Qudus.
Si kastaba, Soomaaliya ayaa horey u cambaareysay xiriirka sii xoogeysanaya ee Israa’iil iyo Somaliland, iyadoo si adag u diiddan sheegashada gooni-isu-taagga Somaliland, waxayna Somaliland u aqoonsan tahay qeyb ka mid ah Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.


