25.4 C
Mogadishu
Thursday, June 18, 2026

Xulka gabdhaha Soomaaliya oo taariikh dhigay, 8 goolna ku garaacay dhigooda Suudaan

Bookmark
Bookmarked

Share

Dar es Salaam (Caasimada Online) – Xulka kubadda cagta gabdhaha Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17 jirka ayaa taariikh cusub ka dhigay tartanka CECAFA ee ka socda magaalada Dar es Salaam ee dalka Tanzania, kadib markii ay 8-2 ku garaaceen dhiggooda Suudaan kulankoodii ugu dambeeyay ee Guruubka A.

Gabdhaha Soomaaliya ayaa soo bandhigay ciyaar weerar ku dhisan iyo kalsooni sare, iyagoo siddeed gool ka dhaliyay Suudaan intii uu socday kulanka 90-ka daqiiqo, halka laga dhaliyay laba gool oo keliya.

Guushan ayaa noqotay markii ugu horreysay ee xul qaran oo gabdho Soomaaliyeed ahi uu guuleysto kulan ka tirsan tartan heer gobol ah, taasoo loo arko horumar muhiim ah oo laga sameeyay kubadda cagta haweenka Soomaaliya.

Xulka Soomaaliya oo loo yaqaan Ocean Queens, ayaa tartanka ku billowday guuldarro 4-0 ah oo ay kala kulmeen martigeliyeyaasha Tanzania, halka kulankoodii xigay ay 6-0 uga adkaadeen Kenya. Si kastaba ha ahaatee, natiijooyinkii labadaas kulan ayaa saameyn ku yeeshay rajadoodii ay ugu gudbi lahaayeen wareegga xiga ee tartanka.

Inkasta oo ay saddex dhibcood ka heleen kulankii ay la yeesheen Suudaan, haddana marka la eego kala sarreynta Guruubka A, xulka gabdhaha Soomaaliyeed ee 17-jirrada ah ayaa ku haray heerka guruubyada tartanka CECAFA.

Si kastaba, bandhigga ay sameeyeen ciyaartoyda da’da yar ee Soomaaliya kulankoodii ugu dambeeyay ayaa si weyn loo ammaanay, iyadoo guushan loo arko mid muujinaysa kartida iyo horumarka ay sameynayaan gabdhaha Soomaaliyeed ee kubadda cagta.

Guusha taariikhiga ah ee ay ka gaareen Suudaan ayaa sidoo kale dhiirrigelin u noqon karta gabdhaha Soomaaliyeed ee xiiseynaya ciyaaraha, gaar ahaan kubadda cagta, iyadoo la rajeynayo inay horseed u noqoto guulo waaweyn oo mustaqbalka ah.

- Advertisement -

Read more

Local News