Kismaayo (Caasimada Online) – Maamul-goboleedka Jubaland ayaa shaaciyay in garoonka diyaaradaha ee degmada Doolow uu si toos ah ugu xiran yahay Dowladda Federaalka Soomaaliya.
War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Jubaland ayaa lagu caddeeyay in xirnaanshaha Garoonka Doolow uusan salka ku hayn sababo farsamo, amni ama kuwo la xiriira badqabka duulimaadyada.
“Dowladda Jubaland waxay shacabka Jubaland, shacabka Soomaaliyeed guud ahaan iyo beesha caalamkaba si rasmi ah ugu caddaynaysaa in garoonka diyaaradaha degmada Doolow uu si toos ah ugu xiran yahay Dowladda Federaalka Soomaaliya, isla markaana xirnaanshaha garoonka uusan salka ku hayn sababo farsamo, amni ama kuwo la xiriira badqabka duulimaadyada,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka Jubaland.
Wasaaradda ayaa sheegtay in dhammaan dadaalladii, codsiyadii iyo xiriirradii rasmiga ahaa ee lagu doonayay dib-u-furista garoonka Doolow ay guul-darraysteen, isla markaana hay’adda duulista rayidka Soomaaliyeed ay xaqiijisay in aysan awood u lahayn qaadashada go’aan madax-bannaan oo lagu furayo garoonka.
Xirnaanshaha garoonka diyaaradaha Doolow ayay wasaaraddu sheegtay inuu sababay dhibaato ballaaran oo ku dhacday adeegyada caafimaadka, dhaqaalaha, ganacsiga, isu-socodka bulshada iyo howlaha gargaarka bani’aadannimo ee degmada Doolow iyo deegaannada ku xeeran.
“Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Dowladda Jubbaland waxay si adag u cambaaraynaysaa ku-takri-falka awoodeed ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, taas oo maamulka hawada Soomaaliya u adeegsanaysa dano siyaasadeed. Xannibaadda lagu hayo garoonka Doolow waxay noqotay tusaale muuqda oo muujinaya sida awoodaha farsamo ee maamulka hawada loogu adeegsanayo cadaadis siyaasadeed,” ayaa sidoo kale lagu yiri war-saxaafadeedka.
Wasaaraddu waxay intaas ku dartay in xirnaanshaha garoonka Doolow uu ka hor imaanayo xeerarka duulista rayidka Soomaaliyeed iyo halbeegyada hay’adda duulista rayidka adduunka, iyadoo Dowladda Federaalka Soomaaliya ku eedeysay inay mas’uul ka tahay dhibaatooyinka ka dhashay xirnaanshaha muddada dheer socday.
Hoos ka aqriso war-saxaafadeedka oo dhameystiran:
Dowladda Jubbaland, waxay shacabka Jubbaland, shacabka Soomaaliyeed guud ahaan iyo beesha caalamkaba si rasmi ah ugu caddaynaysaa in Garoonka Diyaaradaha Degmada Doolow uu si toos ah ugu xiran yahay Dowladda Federaalka Soomaaliya, isla markaana xirnaanshaha garoonka uusan salka ku hayn sababo farsamo, amni ama kuwo la xiriira badqabka duulimaadyada.
Dowladda Jubbaland waxay si cad u sheegaysaa in dhammaan dadaalladii, codsiyadii iyo xiriirradii rasmiga ahaa ee lagu doonayay dib-u-furista Garoonka Doolow ay guul-darraysteen, iyadoo Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed (SCAA) ay xaqiijisay in aysan awood u lahayn qaadashada go’aan madax-bannaan oo lagu furayo garoonka.
Garoonka Diyaaradaha Doolow ayaa xirnaa tan iyo 19-kii Luulyo 2025. Xirnaanshaha muddada dheer socday ayaa sababay dhibaato ballaaran oo ku dhacday adeegyada caafimaadka, dhaqaalaha, ganacsiga, isu-socodka bulshada iyo hawlaha gargaarka bini’aadantinimo ee degmada Doolow iyo deegaannada ku xeeran.
Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Dowladda Jubbaland waxay si adag u cambaaraynaysaa ku-takri-falka awoodeed ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, taas oo maamulka hawada Soomaaliya u adeegsanaysa dano siyaasadeed. Xannibaadda lagu hayo Garoonka Doolow waxay noqotay tusaale muuqda oo muujinaya sida awoodaha farsamo ee maamulka hawada loogu adeegsanayo cadaadis siyaasadeed.
Arrintani waxay si cad uga hor imaanaysaa xeerarka duulista rayidka Soomaaliyeed iyo halbeegyada ay dejisay Hay’adda Duulista Rayidka Adduunka (ICAO), kuwaas oo dhigaya in maamulka hawada iyo adeegyada duulista rayidka lagu saleeyo dhexdhexaadnimo, madax-bannaani farsamo iyo xaqiijinta badqabka duulista hawada.
Dowladda Jubbaland waxay markale daaha ka qaadaysaa in xirnaanshaha Garoonka Diyaaradaha Doolow uu yahay go’aan ka yimid Dowladda Federaalka Soomaaliya, isla markaana mas’uuliyadda dhammaan dhibaatooyinka ka dhasha xirnaanshaha muddada dheer socday ay si toos ah u qaadayso Dowladda Federaalka Soomaaliya.
==DHAMMAAD==

