Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Boqortooyada Sacuudiga u fadhiya Soomaaliya, Axmed Bin Maxamed Al-Muwallad, iyadoo kulankooda looga hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga u dhexeeya labada dal.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray horumarinta xiriirka istiraatiijiga ah ee ka dhexeeya Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Boqortooyada Sacuudiga, iyo sidii loo sii ballaarin lahaa wada-shaqeynta dhinacyada dhaqaalaha, ganacsiga iyo maalgashiga.
Labada mas’uul ayaa sidoo kale ka wada-hadlay fursadaha cusub ee lagu kobcin karo xiriirka labada dowladood, iyagoo carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo iskaashiga ku saleysan danaha wadajirka ah ee labada shacab iyo dowladood.
Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre ayaa uga mahadceliyay Boqortooyada Sacuudiga taageerada joogtada ah ee ay siiso Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada horumarinta, gargaarka bani’aadannimada iyo taageerada shacabka Soomaaliyeed.
Waxa uu sidoo kale bogaadiyay mowqifka Sacuudiga ee ku aaddan taageerada midnimada, madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, isaga oo tilmaamay in xiriirka labada dal uu yahay mid taariikhi ah oo ku dhisan walaaltinimo iyo iskaashi dhow.
Dhankiisa, Danjire Axmed Bin Maxamed Al-Muwallad ayaa xaqiijiyay sida ay Boqortooyada Sacuudigu uga go’an tahay sii xoojinta xiriirka iyo iskaashiga kala dhexeeya dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh iyo shacabka Soomaaliyeed, isaga oo xusay in dalkiisu sii wadi doono taageerada uu siiyo Soomaaliya.
Danjiraha ayaa sidoo kale ku ammaanay Dowladda Federaalka Soomaaliya dadaallada ay ku xaqiijinayso amniga dalka iyo horumarrada la taaban karo ee ka socda qaybaha kala duwan ee dalka, kuwaas oo uu sheegay inay ka tarjumayaan horumarka ay Soomqaaliya ku tallaabsanayso.
Si kastaba, dowladda Soomaaliya iyo Sacuudiga ayaa si weyn kor ugu qaaday xiriirkooda, iyagoo qalinka ku duugay heshiisyo iskaashi oo ku saabsan dhanka difaaca, dekedaha iyo gaadiidka badda.






