Qudus (Caasimada Online) – Dowladda Israa’iil ayaa shaaca ka qaaday in muddo dheer xiriir iyo iskaashi dhinaca amniga iyo milateriga ah si qarsoodi ah ula lahaa maamulka Somaliland.
Wasiirka Gaashaandhigga Israa’iil, Israel Katz oo arrintan qiray ayaa sheegay in labada dhinac ay haatan doonayaan inay iskaashiga gaarsiiyaan heer cusub.
Hadalka Katz ayaa yimid kaddib kulan uu magaalada Qudus kula yeeshay Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) oo booqasho rasmi ah ku jooga Israa’iil. Kulanka ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu xoojinayo xiriirka sii kobcaya ee u dhexeeya labada dhinac.
War-saxaafadeed kasoo baxay xafiiska wasiirka gaashaandhigga Israa’iil ayaa lagu sheegay in kulanka looga hadlay arrimo la xiriira amniga, xasilloonida gobolka, iskaashiga istaraatiijiga ah iyo sidii loo ballaarin lahaa wada-shaqeynta labada dhinac.
“Israa’iil iyo Somaliland waxay leeyihiin saaxiibtinimo soo jireen ah oo ku dhisan dano wadaag, qiyam dimuqraadi ah iyo ka go’naanshaha amniga iyo xasilloonida. Muddo dheer ayaan si qarsoodi ah uga wada shaqeynaynay hawlo kala duwan,” ayuu yiri Katz, isaga oo xusay in Israa’iil ay ka go’an tahay inay iskaashiga amniga gaarsiiso heerar cusub.
Dhankiisa, Afhayeenka Madaxweynaha Somaliland, Xuseen Aadan Cige (Deyr) ayaa sheegay in madaxweyne Cirro iyo wasiirka gaashaandhigga Israa’iil ay ka wada-hadleen arrimo istaraatiiji ah oo ay ka mid yihiin amniga, xasilloonida gobolka, iskaashiga hay’adaha amniga iyo xoojinta xiriirka labada dhinac.
Qiraalkan kasoo baxay Israa’iil ayaa ku soo beegmaya xilli warbaahinta Mareykanka qaarkeed ay daabaceen warbixino sheegaya in Israa’iil ay Somaliland ka fulisay hawl-gallo amni iyo milatari oo qarsoodi ah intii uu socday dagaalkii u dhexeeyay Israa’iil iyo Iran, inkastoo aan si madax-bannaan loo xaqiijin faah-faahinta wararkaas.
Sidoo kale, Israa’iil ayaa la sheegay in Somaliland ay ka taageerto dhinacyada tababarka ciidamada iyo hay’adaha amniga. Si kastaba, hadalka wasiirka gaashaandhigga Israa’iil ayaa loo arkaa xaqiijintii ugu horeysay ee muujinaysa inuu jiray iskaashi amni oo qarsoodi ah oo u dhexeeyay labada dhinac, iyadoo la filayo in wada-shaqeyntaas mustaqbalka noqoto mid si rasmi ah loo shaaciyo.

