Muqdisho (Caasimada Online) – Deeq Jeesow oo kamid ah dhalinyarada caan ka ka ah baraha bulshada, gaar ahaan Aaladda TikTok ayaa faah-faahiyay shil naxdin leh oo uu gelinkii dambe shalay ku galay waddada xiriirisa Muqdisho iyo Balcad, kaas oo sababay khasaare leh dhimasho iyo dhaawac.
Shilka ayaa yimid, kadb markii ay isku dhaceen gaari Surf ah oo uu waday Deeq Jeesow iyo mooto Bajaaj waddada mareysay, waxaana ku dhintay ugu yaraan illaa 5 qof, halka ay ku dhaawacmeen tiro kale oo uu isagu ku jiro.
Deeq oo qoraal soo saaray ayaa marka hore musiibo ku tilmaamay waxa dhacay, wuxuuna sheegay inuu aad uga xun yahay shilkaas, isaga oo sidoo kale tacsi u diray ehellada ay dadkooda ku dhinteen goobta.
“Asc walalayaal marka ugu horreyso aan ku salino Rasuulkeenii suubanaa SCW iyo Allah ina abuurtay wixii dhacay shalay waxay ahaayeen musiibo ku cimri qaadasho mudan waxaa geeriyooday dad aan jeclaa inay noolaadan oo qaarna abtiyaashay ahaayeen qaarna ehel aan ahayn waxaan leeyahay waan ka xumahay geeridiina ee jannada Allah idinku kugu bishaareeyo,” ayuu yiri Deeq Jeesow.
Sidoo kae, wuxuu sii sii raaciyay “Intaas kadib Ummada Soomaaliyeed meel kasto ay joogaan waxaan uga baahanahay iney noo soo duceeyaan aniga iyo intii halkaas ku waxyeeloowday dhimasho iyo dhaawac, kana qayb qaataan xal u helida musiibadii halkaas ka dhacday. Fariinta ugu horeyso waxaan ku bilaabayaa dadkii aan ehelka ahayn ee dadkoodii halkaas ku geeriyooday waxaan leeyahay sabar iyo iimaan allh idinka siiyo qalbiyada Allah idin qaboojiyo ma ahayn ugu talagal lkn qadarta qorneyd cidkasta oo dunidan kor saran waxa ka weyn qadarta Alle wixii dhici rabana kun sano ayey kaa weyn yihiin”.
Dhanka kale, waxa uu beeniyay wararka lagu faafiyay baraha bulshada ee sheegayay inuu baxsaday, wuxuuna tilmaamay inuu isku dhiibay laamaha amniga, uuna tegay saldhigga degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir.
“Waxaan been abuur ku tilmaamayaa inan baxsaday anigo ka tax daraayo amaankeyga ayaan lugaheyga ku tegay gobaha amaanka oo ey ugu horeeyso saldhigga degmada Kaaraan wana uga mahadcelinayaa,” ayuu mar kale yiri.
Ugu dambeyn wuxuu dalbaday in dadka Soomaaliyeed iyo madaxda sare ee ay ka gacan siiyan kiiskan, gaar ahaan sidii xal loogu heli lahaa dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay, maadaama ay waxyeelo kasoo gaartay shilka uu galay.
“Cidkasto taqaan qadarta Alle madax iyo majo haka qayb qaadato xal u helida walaalahii halkaas ku naf waayay iyadoo ii muujinaysa garab istaag,” ayuu qoraalkiisa kusoo gabagabeeyay Deeqo Jeesow oo caan ka ah barta TikTok.

