25.8 C
Mogadishu
Wednesday, June 17, 2026

Sacdiya Yaasiin: Yaan loo qaadan wax iska caadi ah arrinta uu ku kacay Cirro

Bookmark
Bookmarked

Share

Hargeysa (Caasimada Online) – Sii hayaha Guddoomiyaha Golaha Shacabka, ahna Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee Golaha, Marwo Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar ayaa si kulul uga hadashay booqashada Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Cirro ee Israa’iil iyo furitaanka dhismaha safaaraddooda Qudus oo shalay xariga ay ka jireen mas’uuliyiinta labada dhinac.

Ugu horreyn Sacdiya Yaasiin ayaa farriin u dirtay dadka Soomaaliyeed, gaar ahaan siyaasiyiinta oo ugu baaqday inay midnimo muujiyaan, iyada oo tilmaantay in loo baahanyahay in meel la’isku dhigo waxyaabaha la’isku hayo iyo kala aragti duwanaashaha, maadaama ay soo kordheen arrimo xasaasi ah.

“Waqtigan maanta la joogo, waa wax dhici kara in dhinacyada siyaasadda la isku raaci waayo. Sababtu waxay tahay in arrimo badan aan weli la isku fahmi oo aanan si wadajir ah loga doodin, talo iyo fikradna looga wada bixin. Kala duwanaanshaha aragtidu waa arrin dabiici ah, waxaana lagu xallin karaa wada-hadal, is-qancin iyo is-ixtiraam. Hase yeeshee, waxa aanan gorgortan iyo dood toona ka geli karin waa Kitaabka Alle ee la soo dejiyey iyo arrimaha diinteennu si cad u qeexday,” ayay tri Guddoomiye Sacdiya Yaasiin.

Sidoo kale, waxa ay soo jeedisay in meel looga soo wada jeesto tallaabada uu qaaday Cirro oo toos ugu xirtay Israa’iil, waxayna sidoo kale sheegtay in dhamaan Muslimiinta meel kasta oo ay joogaan laga rabo inay ka dhiidhiyaan.

“Sidaas darteed, waxaan baaq u dirayaa dhammaan muslimiinta meel kasta oo ay joogaan: Yaan loo qaadan wax iska caadi ah arrinta uu ku kacay Cirro,” ayay markale tiri Marwo Sacdiya

Dhanka kale, waxay baafisay culimada Soomaaliyeed oo ay ugu baaqday inay iyaguna u istaagaan in laga hortago halista soo socota.

“Aaway culimadii ka dhiidhiyi jirtay, ka hadli jirtay, kana canbaarayn jirtay falalka ka hor imanaya diinta Islaamka? Maanta difaaca Kitaabka Alle waa waajib idin saaran idinkoo ah culimo iyo dad aqoon diineed leh. Ama PL joog, Ama SL joog, Ama Muqdisho joog, Ama Kenya joog. Ilaahay wuu idin arkayaa, wuuna idinla xisaabtami doonaa”.

Si kastaba,  Somaliland ayaa booqashada Cirro ee Israa’iil ku tilmaamtay mid calaamad u ah marxalad cusub oo muujinaysa dedaallada Somaliland ku ballaarinayso xiriiradeeda caalamiga ah, iyadoo dunida u muujinaysa doorkeeda sii xoogaysanaya ee dhinacyada nabadda, dimuqraadiyadda, iskaashiga gobolka iyo horumarka.

- Advertisement -

Read more

Local News