Qaahira (Caasimada Online) – Xoghayaha Guud ee Jaamacadda Carabta Axmed Abuu Geyd oo bayaan culus soo saaray ayaa si adag uga hadlay booqashadii Madaxweynaha maamulka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cirro uu ku tegay magaalada Qudus, halkaas oo ay gaysay dowladda Israa’iil.
Abuu Geyd ayaa marka hore si kulul u cambaareeyay booqashadaas iyo furitaanka dhisme loogu magac daray “safaarad” oo Somaliland ay ka furatay halkaasi, kadib markii mas’uuliyiinta labada dhinac ay xarigga ka jareen.
Xoghayaha Guud ee Jaamacadda Carabta ayaa shaaca ka qaaday in tallaabadaasi ay ka hor imaaneyso madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya, isla markaana aysan lahayn wax sharciyad ah.
Sidoo kale,wuxuu mar kale caddeysay taageeradeeda buuxda ee ay u hayso madax-bannaanida, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Hadalka Jaamacadda Carabta ayaa kusoo aadayo, iyada oo Somaliland ay sheegtay in furitaanka safaaraddeeda Qudus uu ka tarjumayo dadaallada ay ugu jirto ballaarinta xiriirrada diblomaasiyadeed iyo iskaashiga caalamiga ah. Waxa ay intaas ku dartay in ay dooneyso inay horumariso wada-shaqeynta dhinacyada dhaqaalaha, amniga, tiknoolajiyadda iyo maalgashiga.
Israa’iil ayaa dhankeeda soo dhaweysay furitaanka safaaradda, iyadoo ku tilmaantay tallaabo muhiim ah oo sare u qaadeysa xiriirka labada dhinac. Mas’uuliyiinta Israa’iil ayaa sheegay inay rajeynayaan iskaashi ballaaran oo mustaqbalka dhex mara labada dhinac.
Furitaanka safaaradda Somaliland ee Qudus ayaa ku soo aadaya xilli ay socdaan dadaallo diblomaasiyadeed oo ay Somaliland ku dooneyso inay xoojiso xiriirkeeda caalamiga ah, inkastoo aysan weli helin aqoonsi rasmi ah oo caalami ah tan iyo markii ay ku dhawaaqday inay ka go’day Soomaaliya sanadkii 1991-kii.
Si kastaba, ha’ahaatee, tallaabadan ayaa waxaa hore uga digtay Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyadoo sidoo kale si adag uga soo horyimaadeen Jaamacadda Carabta, Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) iyo dalal kale.


