27.4 C
Mogadishu
Tuesday, June 16, 2026

DF oo caalamka ku dacweysay Israel kadib tallaabadii shalay, wacadna ku martay in…

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay inay qaadeyso tallaabo kasta oo lagama maarmaan ah si ay u difaacdo midnimada, madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee dalka, iyadoo si adag uga hortageysa fara-gelinta ay Israa’iil ku hayso arrimaha gudaha Soomaaliya.

Bayaan ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya ayaa lagu cambaareeyay safarka uu Madaxweynaha maamulka Somaliland ku joogo dhulka ay Israa’iil maamusho iyo kulamada uu halkaas kula yeeshay mas’uuliyiinta sare ee Israa’iil.

Wasaaraddu waxay sheegtay in tallaabooyinka ay Israa’iil qaadayso ay dhaawac ku yihiin madax-bannaanida Soomaaliya, isla markaana ay khatar ku yihiin midnimada iyo wadajirka dhuleed ee dalka. Dowladda Federaalka ayaa ku adkeysatay inaysan aqbali doonin wax kasta oo lagu wiiqayo qaranimada Soomaaliya.

Sidoo kale, dowladda Soomaaliya ayaa Israa’iil ku dacweysay Qaramada Midoobay, Midowga Afrika, Jaamacadda Carabta, Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) iyo urur-goboleedka IGAD, iyadoo ugu baaqday inay si cad uga hortagaan fara-gelinta ay xukuumadda Israa’iil ku hayso arrimaha Soomaaliya.

Bayaanka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa sidoo kale lagu sheegay in xiriir kasta oo lala yeesho maamul ama hay’ad aan matalin Dowladda Federaalka Soomaaliya uu ka hor imaanayo mabaadi’da sharciga caalamiga ah iyo dastuurka dalka.

“Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay u aragtaa xiriir kasta oo noocaas ah inuu yahay xad-gudub ka dhan ah madaxbannaanida, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee dalka, isla markaana ka hor imanaya Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,” ayaa lagu yiri bayaanka.

Sidoo kale waxay xustay in Soomaaliya ay tahay dowlad madax-bannaan oo si buuxda caalamku u aqoonsan yahay, isla markaana ay tahay hay’adda keliya ee sharci ahaan u leh awoodda matalaadda dalka iyo maareynta xiriirrada diblomaasiyadeed ee caalamiga ah.

Hadalkan ayaa imanaya iyadoo Dowladda Federaalka Soomaaliya ay Israa’iil ku eedeysay inay marar kala duwan ku lug lahayd tallaabooyin ay Muqdisho u aragto kuwo wax u dhimaya midnimada dalka, kuwaas oo ay ka mid yihiin aqoonsiga ay sheegtay inay siisay maamulka Somaliland, wafdiyo loo diray Hargeysa iyo martiqaadka loo fidiyay Cirro.

Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) ayaa shalay si rasmi ah xarigga uga jaray safaaraddii ugu horreysay ee Somaliland ka furato Israa’iil, taas oo laga hirgeliyay magaalada Qudus ee haysato Israa’iil.

Furitaanka safaaradda ay sheegtay Somaliland ayaa dhaliyay falcelin xooggan, iyadoo Dowladda Federaalka Soomaaliya, Jaamacadda Carabta iyo dalal kale oo badan ay hore uga digeen tallaabadan, isla markaana ay si cad uga hor yimaadeen.

- Advertisement -

Read more

Local News