27.2 C
Mogadishu
Tuesday, June 16, 2026

Dowladda Falastiin oo war ka soo saartay gefka taariikhiga ee Somaliland ay sameysay

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Ramallah (Caasimada Online) — Wasaaradda Arrimaha Dibadda Falastiin ayaa si adag u cambaareysay tallaabada maamulka Somaliland, oo ah gobol ku yaalla waqooyi-galbeed Soomaaliya, uu ku sheegay inuu “safaarad” uga furtay magaalada Qudus ee ay Israa’iil haysato.

War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Jaaliyadaha Falastiin ayaa lagu sheegay in tallaabadan aysan lahayn wax sharciyad ah, isla markaana ay xadgudub ku tahay sharciga caalamiga ah, qaraarrada Qaramada Midoobay iyo mowqifka caalamiga ah ee ku saabsan magaalada Qudus.

“Ma jirto sharciyad ay leedahay safaarad lagu sheegay in laga furay Qudus-ta ee la haysto,” ayay wasaaraddu ku tiri bayaankeeda.

Falastiin ayaa sheegtay in furitaanka xaruntan ay tahay isku day ay wadaan Israa’iil iyo maamulka Somaliland oo lagu doonayo in lagu sharciyeeyo joogitaan aysan wax xuquuq sharci ama siyaasadeed ah ku lahayn Qudus.

Wasaaradda ayaa sheegtay in waxa dhacay ay yihiin “xadgudub cad oo ka dhan ah sharciga caalamiga ah iyo qaraarrada sharciyadda caalamiga ah ee arrintan khuseeya”.

Tallaabadan ayaa timid kadib markii hoggaamiyaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi Cirro, uu magaalada Qudus kula kulmay Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu, islamarkaana uu si rasmi ah xarigga uga jaray waxa maamulkaas ku sheegay “safaarad”.

Soomaaliya ayaa si adag u diiddan sheegashada gooni-isu-taagga Somaliland, waxayna Somaliland u aqoonsan tahay qeyb ka mid ah Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

‘Tallaabo baadil ah’

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Falastiin ayaa sheegtay in tallaabo kasta oo diblomaasiyadeed ama siyaasadeed oo lagu doonayo in lagu beddelo maqaamka Qudus ay tahay mid “baadil ah oo aan wax raad sharci ah lahayn”.

Waxay sheegtay in wax kasta oo lagu beddelayo xaaladda siyaasadeed, sharci, juqraafi ama demoqraafi ee magaalada Qudus aysan waxba ka beddeli karin maqaamka sharci ee magaaladaas oo caalamku aqoonsan yahay.

“Wax tallaabooyin ah oo noocaas ah kama dhalanayaan wax saameyn sharci ah, mana beddeli karaan maqaamka sharci ee Qudus,” ayay tiri wasaaraddu.

Qudus ayaa ka mid ah arrimaha ugu xasaasisan ee khilaafka Falastiin iyo Israa’iil. Israa’iil waxay magaalada oo dhan u aragtaa caasimaddeeda, halka Falastiiniyiintu ay Qudus Bari u doonayaan caasimadda dowlad Falastiin oo mustaqbalka dhisanta.

Inta badan dalalka caalamka waxay safaaradahooda ku leeyihiin Tel Aviv, iyagoo ka fogaanaya tallaabo loo fasiran karo in ay taageerayaan sheegashada Israa’iil ee Qudus.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Falastiin ayaa si gaar ah u xustay qaraarrada Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, gaar ahaan qaraarrada 476 iyo 478, kuwaas oo diiday tallaabooyinka Israa’iil ee lagu beddelayo maqaamka Qudus.

Waxay sheegtay in furitaanka xafiisyo ama wakiillo diblomaasiyadeed oo laga sameeyo Qudus ay ka dhigan tahay xadgudub ka dhan ah qaraarradaas.

Wasaaradda ayaa ku eedeysay Israa’iil inay tallaabooyinkan u adeegsaneyso dhiirrigelinta siyaasado ay ku tilmaantay “gumeysi, ballaarin iyo dembiyo maalinle ah oo ka dhan ah shacabka Falastiin”.

Waxay intaas ku dartay in dal ama maamul kasta oo ka qeyb qaata furitaanka wakiillo diblomaasiyadeed oo Qudus ah uu gacan ka geysanayo jebinta sharciga caalamiga ah.

Taageeridda Soomaaliya

Falastiin ayaa sidoo kale si cad u diidday go’aanka Israa’iil ay ku sheegtay inay ku aqoonsatay Somaliland, waxayna ku tilmaantay aqoonsi “lagu sheegay” oo aan sharci ahayn.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Falastiin ayaa sheegtay inay taageero buuxda u hayso “madax-bannaanida, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya”.

Qoraalka Falastiin ayaa si gaar ah u muujiyay in arrinta Somaliland aysan kaliya la xiriirin Qudus, balse ay sidoo kale taabaneyso midnimada Soomaaliya iyo xeerarka caalamiga ah ee ilaalinaya madaxbannaanida dalalka.

Soomaaliya ayaa horey u cambaareysay xiriirka sii xoogeysanaya ee Israa’iil iyo Somaliland, iyadoo sheegtay in wax tallaabo ah oo lagu wiiqayo midnimada Soomaaliya aysan yeelan karin sharciyad.

Dowladda federaalka Soomaaliya waxay ku adkeysaneysaa in Somaliland ay tahay gobol ka tirsan Soomaaliya, isla markaana dowladaha shisheeye aysan la macaamili karin sidii dal madax-bannaan.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Falastiin ayaa ugu dambeyn ugu baaqday beesha caalamka iyo dhammaan dowladaha inay u hoggaansamaan qaraarrada Qaramada Midoobay ee khuseeya arrinta Falastiin iyo Qudus.

Waxay dalalka caalamka ka dalbatay in aysan qaadin tallaabo kasta oo caawin karta ama dhiirrigelin karta Israa’iil inay ku xadgudubto sharciga caalamiga ah.

Wasaaradda ayaa sidoo kale ku baaqday in la qaado tallaabooyin lagu ilaalinayo “maqaamka sharci iyo taariikheed ee Qudus”, iyadoo ku tilmaantay magaaladaas qeyb aan laga goyn karin dhulka Falastiin ee la qabsaday sanadkii 1967 iyo caasimadda Dowladda Falastiin.

- Advertisement -

Read more

Local News