25.9 C
Mogadishu
Tuesday, June 16, 2026

Ururka Iskaashiga Islaamka oo qoraal adag kasoo saaray tallaabadii uu maanta qaaday Cirro

Bookmark
Bookmarked

Share

Jeddah (Caasimada Online) – Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) ayaa si adag u cambaareeyay safaaradda uu maamulka Somaliland sheegay inuu ka furay magaalada Qudus ee ay Israa’iil haysato, taas oo uu ku tilmaamay mid sharci-darro ah oo ka hor imanaysa xeerarka iyo qaraarrada caalamiga ah.

War-saxaafadeed ay soo saartay Xoghaynta Guud ee OIC ayaa lagu sheegay in furitaanka waxa loogu yeeray safaaradda Somaliland ee Qudus ay tahay xad-gudub cad oo ka dhan ah Axdiga Qaramada Midoobay iyo qaraarrada khuseeya xaaladda magaalada Qudus.

Ururka ayaa caddeeyay in Israa’iil oo xoog ku haysata dhulkaasi aysan wax madax-bannaani ah ku lahayn Qudus, isla markaana dhammaan go’aannada iyo tallaabooyinka lagu beddelayo xaaladda siyaasadeed, sharciyeed ama demoqraafiyadeed ee magaaladaas ay yihiin kuwo aan waxba ka jirin marka loo eego sharciga caalamiga ah.

“Waa waxba kama jiraan tallaabo kasta oo la isugu dayo in wax looga beddelo xaaladda magaalada Qudus, marka loo eego sharciga caalamiga ah,” ayaa lagu yiri bayaanka OIC, kaas oo mar kale ku celiyay mowqifkiisa ku aaddan magaaladaas.

Ururka Iskaashiga Islaamka ayaa sidoo kale ugu baaqay beesha caalamka inay qaadato mowqif adag oo ka dhan ah tallaabadaas, isla markaana ay ka hortagto wax kasta oo lagu dhaawacayo xaaladda sharci iyo siyaasadeed ee Qudus.

Dhanka kale, OIC ayaa dib u xaqiijisay taageerada ay u hayso Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyadoo carrabka ku adkaysay inay si buuxda u garab taagan tahay madaxbannaanida, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.

Bayaankan ayaa ku soo beegmaya xilli maanta uu Madaxweynaha Somaliland uu xarigga ka jaray safaaraddii ugu horreysay ee Somaliland ka furato Israa’iil, taas oo laga hirgeliyay magaalada Qudus.

Furitaanka safaaradda ay sheegtay Somaliland ayaa dhaliyay falcelin xooggan, iyadoo Dowladda Federaalka Soomaaliya, Jaamacadda Carabta iyo dalal kale oo badan ay hore uga digeen tallaabadaas, isla markaana ay si cad uga hor yimaadeen.

- Advertisement -

Read more

Local News