26 C
Mogadishu
Monday, June 15, 2026

Cirro oo Qudus ka furay safaaradda Somaliland ee Israa’iil + Video

Bookmark
Bookmarked

Share

Qudus (Caasimada Online) – Madaxweynaha Maamulka Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) ayaa maanta si rasmi ah xarigga uga jaray safaaraddii ugu horreysay ee Somaliland ka furato Israa’iil, taas oo laga hirgeliyay magaalada Qudus.

Munaasabadda furitaanka safaaradda ayaa waxaa ka qeyb-galay mas’uuliyiin sare oo ka tirsan dowladda Israa’iil, diblomaasiyiin iyo marti sharaf kale, iyadoo tallaabadan lagu sheegay mid lagu xoojinayo xiriirka u dhexeeya Somaliland iyo Israa’iil.

Madaxweyne Cirro ayaa sheegay in furitaanka safaaraddan uu ka tarjumayo dadaallada Somaliland ay ugu jirto ballaarinta xiriirrada diblomaasiyadeed iyo iskaashiga caalamiga ah. Waxa uu xusay in Somaliland ay dooneyso inay horumariso wada-shaqeynta dhinacyada dhaqaalaha, amniga, tiknoolajiyadda iyo maalgashiga.

Israa’iil ayaa dhankeeda soo dhaweysay furitaanka safaaradda, iyadoo ku tilmaantay tallaabo muhiim ah oo sare u qaadeysa xiriirka labada dhinac. Mas’uuliyiinta Israa’iil ayaa sheegay inay rajeynayaan iskaashi ballaaran oo mustaqbalka dhex mara labada dhinac.

Warbaahinta caalamka ayaa si weyn u hadal haysa furitaanka safaaraddan, iyadoo si kala duwan looga hadlay maadaama ay tahay markii ugu horreysay ee Somaliland ay safaarad ka furato magaalada Qudus, oo Israa’iil u aqoonsan tahay caasimaddeeda. Waxaa sidoo kale la isweydiinayaa saameynta ay tallaabadan ku yeelan karto gobolka.

Furitaanka safaaradda Somaliland ee Qudus ayaa ku soo aadaya xilli ay socdaan dadaallo diblomaasiyadeed oo ay Somaliland ku dooneyso inay xoojiso xiriirkeeda caalamiga ah, inkastoo aysan weli helin aqoonsi rasmi ah oo caalami ah tan iyo markii ay ku dhawaaqday inay ka go’day Soomaaliya sanadkii 1991-kii.

Si kastaba, tallaabadan ayaa waxaa hore uga digtay Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyadoo sidoo kale si adag uga soo horyimaadeen Jaamacadda Carabta, Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) iyo dalal kale.

Hoos ka daawo muuqaalka

- Advertisement -

Read more

Local News